Akhri:- Shaqaale Tiro Badan Oo Laga Eryey Shaqadii Ay Ka Hayeen Aqalka Madaxtooyada Somaliland.

0
825
Qoryaalnews(Hargaysa):- Shaqaale tiro badan oo ka tirsan aqalka madaxtooyada Somaliland ayaa lagu war geliyey in ay joojiyaan shaqadii ay aqalkaasi ka hayeen.
 
Warar ka soo baxaya madaxtoyada Somaliland ayaa sheegay in 14 shaqaale ah maanta shaqadii laga joojiyey. Halka kuwo kalena lagu wargeliyey in ay wareejiyaan wixii Documents ah ee ay hayaan.
 
Inkasta oo xukuumadda Somaliland weli ka hadli wararka ka soo baxaya aqalka madaxtooyada Somaliland ee sheegaya shaqaale intaasi leeg shaqada laga eryey.
Geesta kale waxa warar xooggan oo sheegaya in ay tallaabadani timid kadib markii ay xad dhaaf noqdeen tirada shaqalaaha ka hawl gala xarunta madaxtooyada Somaliland. 
Geeska kale waxa jira warar xooggan kuwaasi oo sheegaya in shaqaalaha loo kala beddeli doono wasaraadda cusub ee uu magaacabey Muuse Biixi Cabdi.
Handana waxa wasaaradda madaxtooyada Somaliland ayaa ahayd wasaaraddaha ugu awoodda badan dalka marka loo eego wasaaraddaha kale ee jira wakhtigii xukuumadda Siilaanyo, bal se madaxwaynaha Somaliland ayaa isagu ba’biiyey guud ahaan wasaaraddaasi.
Halkan kala soco wixii warar ah ee danbe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here