Qoryaalenews(Hargeysa):- Ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobey u qaabisal Soomaaliya Michael Keating iyo wafti uu hoggaaminaya ayaa saaka soo gaadhey magaalada Hargeysa, waxaney la kulmeen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi sida uu sheegay wasiirka wasaaradda arrimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire.
Waftigan ayaa madaxwaynaha kala hadley arrimo door oo ay kamid yihiin xidhiidhka ka dhaxeeya qaramada middoobey iyo Somaliland gaar ahaan siyaasadda, arrimaha nabad geliyada, dhaqaalaha iyo iskaashiga.
Michael Keating oo isna hadley waxa uu ugu horeynba u hamableeyey shacabka Somaliland sidii quruxda badney ee u galeen doorashada madaxwaynaha, sidoo kale waxa uu xusey in caqabado badan oo Somaliland ku gedmaan ay wax kala qaban doonaan.
Ugu danbeyntiina warbaahinta oo wax ka weydiisay Keating colaadda ka taagan gobolka Sool waxa uu sheegay in ay dhex dhexaadin ka geli doonaan isla markaasina labada dhinacba wada-hadal u furi doonaan.
Halkan Kala Soco Muqaalka Warkan