Maxkamadda Hargaysa Oo Xukun Ku Ridey Dhallinyaro Dhac U Geysatay Nin Ajaanib Ah + Taliska Booliska Oo Ka Hadley

0
792

Qoryaalenews(Hargaysa):- Taliska ciidamda booliska Somaliland ayaa maanta ka hadley baadhis ay ku ahyeen muddooyinkii u danbeeyey dhallinyar nin ajaanib ah oo sawir-qaade ah magaalada Hargaysa kaga qaadey qalab iyo lacag uu sitey.

“Baadhis qoto dheer kadib (Booliska) waxay gacanta ku soo dhiggeen ninankii fal danbiyeedkaasi gaystay, oo ahaa saddex nin, e’ waa la soo qabtey. Lacagtii ay dhaceena waxay ka iibsadeen hal baabuur, oo numberkiisu yahay 85619, oo noocisuna yahay One10, Kamaradiina iyadana waa la hayaa…” ayuu yidhi af-hayeenka booliska Somaliland Faysal Xiis.

Taliye Faysal Xiis sidoo kale waxa uu sheegay in kiiskani uu muddo dheer qaatey kadib baadhista oo dheeratey awgeed.

Dhallinyaradan ayaa la sheegay in ay bil ka hor dhaca u geysteen ninkani ajanibka ah oo magaalada Hargaysa dalxiis ahaan u yimid isla markaasina maxkamadda gobolka Hargaysa ayaa xukun ku ridey ugu danbeyntiina.

Halkan ka daawo Muuqaalka warkan 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here