Dibed-baxyo Lagaga Cabanayo Kor U Kaca Qiimaha Maceeshadda Oo Ka Socda Dalalka Suudaan Iyo Tuunisiya

0
600

Booliiska dalka Tunisia ayaa isticmaalay suntan dadka ka ilmaysiisa si ay u kala caydhiyaan dibad-baxayaal ka cabanaya qiimaha maceeshadda iyo talaabooyiin lagu xoojinayo dhaqaalaha oo ay dowladda soo rogtay.

Dibad-baxyada ayaa ka qarxay magaalooyiinka Thala iyo Kasserine halkaasi oo ay booliiska iyo dibadbaxayaasha ay isku dhaceen.

Bilowgii sanadkan qiimaha qaar ka mid ah badeecadaha ayaa sare u kacay.

Dowladda dalka Tunisia ayaa sidoo kale kordhisay cashuurta laga qaado gawaadhida, Telefoonnada iyo alaabooyin kale.

Dalka Tunisia ayaa ahaa waddankii ay ka bilaabmeen dibad-baxyadii loogu magac daray Guggii Carabta.

Dadka reer Tunisia ayaa ahaa kuwa hormud u noqday dibadbaxyo ka dhacay qaar ka mid ah dalalka Carabta kuwaasi oo xukunka lagaga tuuray madax muddo dheer xilka hayay.

Balse dhaqaalaha dalka Tunisia ayaa wali kacaa kufaya iyada oo maalgashadayaasha iyo dalxiisayaasha ay ka maagaan in ay booqdaan iyaga oo ka cabsi qaba xasilooni daro.

Dhanka kale, Mudaharaadyo lagaga cabanayo Kor u kaca Maceeshadda, gaar ahaan Daqiiqda ayaa Maalmihii u dambeeyay ka socday Dalka Suudaan.

Shacabka reer Suudaan ayaa ka cabanaya in Xukuumadda khartuun ay boqolkiiba Saddex boqol Cashuurta ku kordhisay Daqiiqda laga sameeyo Roodhida, taasina waxay keentay in Qiimaha Roodhidu aad kor ugu kaco, dabadeedna Dadka ay toos u samayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here