Garaadadii Ugu Tunka Weynaa Dhulbahante Oo Ku Gacan Saydhay Kullan Farmaajo Ka Codsadey Inay Kuwada Shawraan Garoowe

0
938

Wararka ka imanaya magaalada garoowe ayaa tibaaxaya in Madaxweynaha soomaaliya Farmaajo uu isimada beelweynta dhulbahante ka codsadey inay isuguyimaadaan kullan ballaadhan oo uu la qaato ku waas oo diirada lagu saaridoono qorshayaal lagu xoojinayo midnimadii lixdankii galbatay iyo inay kala shaqeeyaan socdaal qarsoodi ah oo jabaqdiisa la dhawrayo kaas oo uu rabo inuu ku ymaado deegaanada koonfurta sool. Balse waxaa ku gacan saydhay garaadda ugu culus dhulbahante ku waas oo sheegay inaaney suura gal ahayn inay la kulmaan farmaajo ama wada xaajood  la galaan. Waxaaney sheegeen inay u arkaan mid fidmo lagu kala dhex dhigayo beelaha dhulbahante.Garaad jaamac Garaad Ismaaciil Ducaalle Iyo Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac ayaa ku adkaadey inay tagaan kullankaasi waxaaney ugu baaqeen inay faraha kala baxaan qorsha uu gacanta kula jiro iyagoona sheegay in nabada ay ku naaloonayaan laga carsha-carshayn sidoo kale labadan garaad oo ah garaada ugu tunka weyn beelaha dhulbahante carabka ku adkeeyeen in cid iyaga matashaa aaney shirkaa tagin dan dhulbahantena waddin. Kuwaas oo si cad uga badheedhay qorshe taxan  garoowe ilaa muqdisho oo lagu shax dhigay in lagu khal-khaliyo nabada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here