Farmaajo Oo Deegaano Somaliland ka Mid ah Imanaya Iyo Mooganaanta Xukuumadda Somaliland Xadhko Taxan Muqdisho Ilaa Garoowe Oo Salaan U Noqdey Farmaajo Inuu Qorshayto Imaanshaha Deegaano Bariga Somaliland Ka Mid ah Iyo Aaamusnaanta Somaliland

0
635

Madaxweynaha somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo shalay soo gaadhay magaalada garoowe ee maamulka puntland oo ilaa hadda la ogeyn halka uu salka ku hayo socdaalkiisu haddana afhayeen u hadalay farmaajo wuxuu sheegay Safarka nolol iyo nabad waxa uu noqon doonaa mid taariikhi ah oo lagu gaadhayo bulshada meelaha fog fog joogta, wakhti fiicana uu madaxweynuhu la qaato si uu u ogaado xaaladahooda nololeed.” Waxaana warar xalay wargeyska sahan ka helay garoowe sheegayaan in madaxweyne farmaajo iman doono deegaano ka mid ah Somaliland oo ay qorshaha ugu jirto inuu cagta soo dhigo isagoo garabsanaya dad deegaanka ka soo jeeda waxaana xoguhu ku darayaan in magaalooyinka uu calaamadsadey inuu yimaado waxaa ka mid ah degmada dhahar ee bariga sanaag halkaas oo ay dabada ka wadaan xubno uu isku haleynayo inay horgalaan, halka deegaanada Taleex iyo Boocame ay ku jiraan qorshihiisa koowaad ee imaansha  magaalooyinkaas. Waxaana aad loo ilaaliyey in la helo degmada noqeysa midka koowaad ee cagta saaro iyadoo aan isku haleyn badan laga qabin xaaladaha amaan ee ku xeeran balse la wariyey inuu loo dirayo xubno u soo indha indhaysa xaaladaha iyo jawiga deegaanadaa yaala. Laba cishi kohor uun bay ahayd markii wasiirka qorshaynta soomaaliya uu cagta soo dhigo deegaano bariga sanaag ah taas oo guux ka dhex abuurtay shacabka Somaliland balse xukuumadda Somaliland ayaa moogan qorshayaal taxan hargeysa ilaa muqdisho oo lagu wiiqayo jiritaanka Somaliland mana jirro qorshe cad oo uga meel yaala xukuumadda cusub ee Somaliland sida ka muuqata hadda ladii ka soo yeedhay wasiirka cusub ee qorshaynta Somaliland oo isagu si habacsan uga Hadley imaansha wasiirkii qorshaynta somaliya ee ku daansho-daanshoodey deegaanada uu siyaasada ahaan u matelo xukuumadda taas oo laaxiyada luuqdiisa ay ka muuqatay jileec badan oo aan ku adkayn mabda Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here