DEG DEG:- Ciidamada Somaliland Oo La Wareegay Saaka Deegaano Puntland Gacanta Ku Haysay Iyo Farmaajo Oo Isku Shubay Gaaroonka Diyaaradaha Garoowe [ Akhriso ]

0
1226

Waxa saaka waabarigii hore ciidamada Somaliland weerar dhowr jiho oo kala duwan kusoo qaadeen deegaano ka tirsan bariga magaalada Laascaanood kuwaasi oo ku taxan laamiga dheer ee isku xidha Laascaanood Iyo Garoowe.

Ciidamada Somaliland ayaa cagta sii mariyey deegaanka tukaraq oo uu ku yaalay kastamka galbeed ee Puntland sidoo kale waxay dagaalo ka dhaceen deegaanka Qod-qaboobe iyagoo ciidamada Somaliland kasoo weeraray jihooyin kala duwan muddo yar kadibna waxay la wareegeen gacan ku haynta deegaano muhiima oo ku dhow xadka Somaliland Iyo Soomaaliya/Puntland.

Is-Balaadhinta saaka ee Somaliland ayaa timid kadib markii warar aan rasmi ahayn sheegeen in Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan magaalada Garoowe laga yaabo inuu yimaado deegano ka tirsan gobolka Sool.

Wali ma cada khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan laakiin waxa la rumaysan yahay inay jiraan khasaarae kala duwan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa isaguna saaka ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, lamana oga inuu ka duuli doono iyo inuu xadhiga ka jari doono.

Ciidamada Somaliland ee ku sii durkaya xadka ayaa laga yaabaa inay gudaha u galaan magaalada Garoowe oo dhowr kiiloo mitir u jirta xadka Somaliland la wadaagto Soomaaliya/Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here