Qoryaalenews(Jabuuti):- Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shaley safarkiisii ugu horeeyey ku tagey dalka Jabuuti ayaa maanta kullan rasmi ah la qaatey madaxwaynaha dalkaasi ee Ismaaciil Cumar Geelle. Kullanka labada madaxwayne ayaa ka dhacey aqalka madaxtooyada dalkaasi Jabuuti.
Ugu horeyn kullanka labada madaxwayne ayaa waxa ka faahfaahiyey wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, waxaana uu sheegay in kullaankaasi uu u dhacey si wanaagsan isla markaasina labada madaxwayne ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xidhiidhka ka dhaxeeya labada waddan gaar ahaan horumarka dhinaca ganacsiga iyo iskaashiga hawlaha labada waddan.
“Waxaanu ka wada-hadalney arrimo dhowr ah oo ku saabsan gobolka oo ay kow ka tahay sidii looga wada shaqeyn lahaa amaanka, kullanku si wanaagsan ayuu noogu dhacey, si wanaagsan ayaa naloo qaabiley..” ayuu yidhi Sacad Cali Shire
Sidoo kale waxa isna dhankiisa isla kullankaasi labada madaxwayne ka warbixiyey wasiirka arrimaha dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.
Ugu danbeytiina safarka uu madaxwaynaha Somaliland ku joogo dalkaasi Jabuuti ayaa la filayaa in uu qaato laba maalmood. Waxa kale oo xusid mudan in madaxwaynaha Somaliland uu maanta soo kormeeray dekadda Jabuuti.
Halkan ka daawo muuqaalka warkan oo dhameystiran
Qoryaalenews – Hargeysa Desk