Laba Weriye Oo Maxkamadda Gobolka Awdal Xukun Maanta Ku Ridey Iyo Urrurka Solja Oo Ka Hadley

0
687

Qoryaalenews(Boorama):- Maxamkamadda gobolka Awdal ayaa maanta xukun ku ridey weriyayaal ka hawl gala gobolkaasi awdal gaar ahaan magaalo madaxdiisa Boorama. Weriyayaashan ayaa kala ah; Rashiid Maxamed Cabdilaahi Dabshid iyo Axmed Diiriye Ciiltire oo ka labaduba ka kala hawl galaayey Muuqbaahiyaha SBC Somali Tv iyo Kalsan Somali Tv. Labadan weriye ayaa hore loogu soo eedeeyey in ay baahiyeen warar been abuur ah. Labada suxufi ayaa sidoo kale xeer ilaalinta gobolka Awdal ku eedaysay warar Somaliland kasoo horjeeda iyo aflagaado calanka Itoobiya ah.

Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland Solja Maxamuud Cabdi Xuuto  ayaa goor dhaweyd shir jara’id ku qabtey xafiiska ururkaasi waxa u sheegay in ay racfaan ka qaateen isla markaasina uu xukunkaasi yahay mid aan u dhicin si cadaalad ah.

Guddoomiye Xuuto ayaa sidoo kale xukuumadda Somaliland ugu baaqey in xukunkaasi dib loo eego.

Halkan ka daawo muuqaalka Guddoomiyaha Solja oo ka hadlaaya xukunka labada weriye

 

 

Qoryaalenews – Hargeysa Desk 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here