Safarkii Madaxwayne Muuse Biixi Oo Si Weyn Shacabku U Hadal Hayaan, Maxaa Ku Cusub? [Akhri]

0
2233

Qoryaalenews(Hargeysa):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta safar ugu kicitimay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti oo madaxweynuhu uu ka helay marti-qaad rasmi ah, isagoo ka dhoofay garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport, salaan sharafna ka qaatay cutub ka mida ciidamada.

Madaxwayne Biixi ayaa noqonaya madaxwaynihii labaad ee kadib markii la doortey safarkiisii koobaad ku tagey dalkaasi Jabuuti, madaxwayne Siilaanyo ayaa isagu ahaa madaxwaynihii ugu horeeyey ee shacabka Somaliland markii ay soo doorteen safarkii ugu horeeyey ku tagey dalkaasi Itoobiya. Safarka madaxwayne Muuse Biixi ayaa ahaa mid guud ahaanba ka duwan safaradii uu bixi jirey madaxwaynihii isga ka horeeyey ee Axmed Maxmaed Maxamud Siilaanyo, marka la barbar dhiggo dhaqamo badan oo ku cusub safarka madaxwayne Biixi.

Safarka madaxwaynaha Somaliland ayaa ahaa mid aanay si dhab ah uga war haynin warbaahinta dalku, madaxwaynaha ayaaney sidoo kale jirin waddooyin lo xidhey iyada oo ay jiri jirtey wakhtigii madaxwayne Siilaanyo in waddooyinka la xidho oo ay shacabku dhib badan kala kulmi jireen. Madaxwaynaha Somaliland ayaan sidoo kale maanta jirin wasiirro ku sii sagootiyey madaarka Cigaal International, Madaxwaynaha Muuse Biixi oo leh laba xaas ayaaney jirin mid ku wehelinaysay safarkiisa. Madaxwaynaha ayaa sidoo kale salaan sharaf ka qaatey tirro kooban oo ciidamada Milatariga ah. Ugu danbeyntiina waaggii madaxwayne Siilaanyo ayaa waxa hakad ku iman jirey shaqada madaarka Cigaal International Airport marka uu soo deggaayo iyo marka uu ka dhoofaayaba bal se maanta ayaa waxa si habsami leh u socdey shaqadii madaarka oon wax hakad ah ku iman.

Dhanka kale shacabka Somaliland ayaa si weyn u hadal haya safarka madaxwaynaha Somaliland iyada oo uu aad u soo jiiteen dhaqamada ku cusub safarka madaxwaynuhu. Baraha bulshada gaar ahaan Facebookga ayaa ah meelaha sida weyn loogaga hadlaayo safarka madaxwyanaha iyada oo ay dad badani ku boggaadinayaan madaxwaynaha safarka deggan ee uu dalka maanta kaga baxay.

Qoryaalenews – Hargeisa Desk 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here