Mucaaridka Rohingya Oo Weeraray Milatariga Burma Iyo Xiisada Ka Dhallan Karta.

0
847

Qoryaalenews(Burma):- Dowladda Burma ayaa xaqiijisay in Askar ka mid ah Milatariga dalkaas lagu weeraray islamarkaana Gaadhi ay la socdeen jid gal lagu sameeyay.

Afhayeen u hadlay Milatariga ayaa sheegay in shan ka mid ah Askarta Dowladda oo marayay Gobolka Rakhine ee Muslimiinta Rohingya.

Dhinaca kale Afhayeen u hadlay Kooxda Mucaaridka ee u dagaallanka Muslimiinta Rohingya ee loo soo gaabiyo ARSA ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkaas.

Weerarka oo lagu gubay gaariga Ciidanka ay wateen ayey dowladdu xaqiijisay in lagu weeraray Miinooyin ay kooxda sameysatay iyo Hub,iyada oo ku dhawaan 20 ka mid ah Kooxda ARSA ay weerarkaas fuliyeen.

Weerarrada kooxdan ee Sanadkii hore ayaa dhaliyay in Milatariga ay sida kooxda oo kale ula dagaallamaan Muslimiinta Rohingya,iyada oo kumanaan ay ku dhinteen halka dad ka badan Nus malyuunna u qaxeen dalka Bangaladesh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here