Madaxwayne Muuse Biixi Oo Dalka Jabuuti Gaadhey Iyo Soo Dhaweynta Loo Sameeyey

0
1134

Qoryaalenews(Jabuti):- Madaxwaynaha Somaliland Md. Muuse Biixi oo maanta safarkii ugu horeeyey ku tagey dalka Jabuuti ayaa goordhweyd halkaasi lagu soo dhaweeyey. Madaxwayne Muuse Biixi oo martiqaadkan ka  helay madaxwaynaha Jabuuti ayaa maalmo aan tiradooda la cayimin ku maqnaan doona dalkaasi Jabuuti.

Soo dhaweynta loo sameyey madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ahayd mid wanaagsan marka loo eego soo dhaweynihii hore ee loo sameyn jirey madaxwaynayaashii isaga ka horeeyey. Muuse Biixi iyo weftiga ayaa ugu horeynba qolka VIP-da  diyaaraddaha ee garoonka Jabuuti Airpoirt international nasasho kadibna waxa waxa weftiga loo kaxeeyey hotelki loogu talo galey, halkaasi oo isaga iyo weftigiisu ku deggayeen.

Xoggaha ka soo baxaya safarka madaxwaynaha uu ku tagey dalka Jabuuti ayaa kow ka ah in labada madaxwayne ka wada hadlaan heshiiska shirkadda DP World oo hore dalkaasi Jabuuti looga ceydhiyey bal se heshiis dhan 30 sanno oo ay maalgashi ah la sexeexatay xukuumaddii madaxwayne Siilaanyo. Sidoo kale waxa la rejaynaa in labadda madaxwayne ayaa ka wada hadlaya xoojinta xidhiidhka labada waddan ka dhaxeeya, gaarka ahaan xidhiidhka ganacsi.

 

Waxa xusid mudan in dadka iskaga kala gooshaya labada dal ay dhibaato badan kala kullmaan xadka ay Somaliland la waddaagto Jabuuti.

 

Qoryaalenews – Jabuuti Desk

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here