Soomaalida ku nool magaaladda Nazareth oo ilaa 100 Km u jirta Caasimada Itoobiya ee Addis ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa la soo darsay cabsi xooggan kaddib markii sida la sheegay ay weerarro kala kulmeen dad ka tirsan qowmiyadda Oromada oo beegsanaya guryaha iyo ganacsiga dadka soomalida ah ee halkaasi deggan.
Arrimahani ayaa daba socday xiisad colaadeed oo labadan qowmiyadood u dhaxeysa muddo bilo ah taas oo sababtay gacan ka hadal.
Maxamed Cabdi Ibraahim oo ka mid ah dadka ku nool Magaalada Nazareth ayaa sheegay in mudo dhowr maalin ah uu cabsi aawgeed uga bixi la’yahay hoygiisa isla markaana ay soo wajahday dhibaato culus.
Horay ayaa deegaano ka tirsan Bariga dalka Itoobiya waxaa loogu laayay Soomaali farabadan,waxaana sii xoogeysatay xiisada u dhaxeysa Soomaalida iyo Qowmiyada Oromada.