Wararka ka imanaya Degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in qarax sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba lehi uu ka dhacay degmadaas.
Askari ka tirsan Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa jabuuti ayaa la sheegayaa in uu qaraxaasi ku dhintay, halka ay ku dhaawacmeen laba askari oo kale oo ka tirsan Ciidamada Soomaaliya.
Qaraxan ayaa lagu soo warramayaa in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso, kaas oo la dhigay waddada aadda Garoonka diyaaradaha ee Degmada Buulo Burde .
Ciidamadan ayaa wararku sheegayaan in Qaraxa ka hor ay waddeen hawlgallo ay ku baadhayeen Miinooyin lagu soo wargaliyay in lagu aasay waddada balse markii dambe ay iyaga ku qaraxday.
Ciidamadii ku dhaawacmay Qaraxan ayaa la soo sheegayaa in la geeyay Cisbitaal ay Maamulaan Ciidamada AMISOM kaasi oo ku yaalla Gudaha Degmada Buulo Burde.
Qaraxan ma jirto cid weli si rasmi u sheegatay in ka dambaysay, kamana ay hadli maamulka iyo Saraakiisha AMISOM ee Buulo Burde ku sugani