Muqdisho Oo Beelihii Somaliya Isugu Awood Sheegteen Iyo Dagaalkii Iskooxaysiga Oo Mar Kale Dib Uga Istaadhmay

0
757

Muqdisho waxaa ka bilaabmay isu awood sheegashada beelaha dega muqdisho iyo somaliya waxaana ilaa maalintii weerarka lagu qaadey siyaasi cabdishakuur oo ciidamada nisa ugu dhaceen gurigiisa iyagoo shan ka mid ah ilaaladiisana la dilay waxaa soo shaac badey in beelaha degama somaliya ay isugu awoood sheegataan magaalada muqdisho waxaana dib u bilaabmay iskooxaysiga beelihii somaliya taas oo u muuqata inay dib ugu laabteen dagaal beeleedayadii muqdisho ka socon jirtay beelaha hawiye, mareexaan ayaana hadda xifiiltanka ugu badani ka jiraa waxaa sidoo kale jirtay weerar lagu qaadey guriga cabdi qaydiid kaas oo rasaas aan dhiig ku daadan lagu cashariyey. Waxaana saaka Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa mar kale ka baaqday in uu hortago Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir oo maanta loo balansanaa.

Maxkamadda ayaa waxba kama jiraan ka soo qaaday go’aankii ay horay u gaartay Maxkamada gobolka Banaadir oo ahaa in aan wax Racfaan ah laga qaadan karin dacwada Cabdiraxmaan CabdiShakuur, waxaana maanta loo fasaxay xeer ilaalinta Qaranka in ay sii wataan baaritaannkooda la xiriira eedeymaha ka dhanka ah Siyaasiga.

Sidoo kale maxkamada ayaa ka mamnuucday safarada dibada ah Cabdiraxmaan Cabdishakuur inta uu socdo baaritaanka la xiriira dacwadaha loo heysto.

Dhinaca kale waxay maxkamaddu ganaax dul dhigtay sideed qarreen oo ay sheegtay in ay diideen in ay ka difaacaan siyaasiga eedaha loo haysto.

Qarreennadan ayaa Shan ka mid ah laga joojiyay shaqada muddo labo bilood ah iyo in ay bixiyaan Lacag shilin Soomaali ah oo u dhiganta $2000, halka saddex ka mid ah lagu xukumay in ay bixiyaan min $2000.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here