Maayarka Caasimadda Oo Dawladda Dhexe Ku Wareejinaya Wixii Dhul Dan-guud Ah Ee Dawladda Hoose Gacanta Ku Haysay

0
1034

Maayarka Magaalada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelko), ayaa sheegay inay Dawladda dhexe ku wareejinayaan Dhulka Danta Guud ee ay hadda Gacanta ku hayaan.

Maayarka oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Hargeysa ayaa yidhi “Dhulka Danta Guud waxaanu ku wareejinaynaa Hay’adaha Dawladda ee ay khusayso Annaga oo sii marinayna Xafiisyada Sharci ee ay khusayso Dhulka Danta guud ee kala ah Goobo Waxbarasho, Cisbitaallo, Masaajiddo, Garoomo waaweyn, Sariimado, Jardiimooyin iyo goobaha Qashin qubka ee Magaalada loogu Talo-galay. Waxaanu doonaynaa Wasaaradda Hawlaha guud oo Qaabilsan dhulku inay diwaangeliso,Wasaaradda Maaliyaddana laga diwaangeliyo si dhulkaa loogu daro Hantida Qaranka, Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka iyo Xeer ilaaliyaha guudna waanu ka diwaangelinaynaa sharci ahaan iyo Wasaaradaha ay khusayso oo kala ah Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Dhallinyarada, Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta waanu ka diwaangelinaynaa si ay u noqoto Hanti qaranku wada leeyahay.”

Maayarku waxa kale oo uu sheegay “Dhulkaasina waa 3,474 baloodh oo Wasaarad walba sideeda loogu wareejin doono, Hantidaana waxa intaas oo Diwaan ah loo gelinayaa waa inaan Cidna ku takri falin.”ayuu yidhi.

Go’aankan uu Maayarku ku wareejinayo Dhulkaa Danta Guud ah ayaa yimid ka dib, markii Wasiirka Hawlaha Guud uu Maayarrada u qoray Codsi ah inay soo wareejiyaan wixii dhul Dan guud ah ee ay hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here