Guddida Doorashooyinka ee Dalka Ruushka ayaa waxay aqbaleen codsiga ay soo gudbisay Haweenay Muslimad ah si ay Madaxwaynaha Dalkaasi ugula tartanto Doorshada jagada Madaxweynaha ee Dalkaasi ka qabsoomi doonta dhawaan.
Haweenayda Muslimada ah ayaa waxay tahay xaaska Muftiga Dagistan waxaana magaceeda la yidhaahdaa Eina Hamastopha waxaanay Madaxweynaha Dalka Ruushka kula tartami doontaa isla markaana ay u sharraxantahay jagada madaxweyne ee Ruushka.
Haweenaydan ayaa noqonaysa haweenaydii ugu horreysay ee Muslim ah ee isku soo sharraxda Jagadaasi, waana markii ugu horreysay ee arrin noocani oo kale ah ay ka dhacdo Dalkaasi.