Dhakhtar Lagu Xukumay Inuu Hooyadii U Celiyo Lacagtii Ay Wax Ku Soo Bartay

0
642

– Maxkamadda sare ee Dalka Taiwan ayaa dhakhtar ku xukuntay in uu hooyadii siiyo ku dhawaad hal milyan oo doolar, maaddaama oo ay soo korisay ayna ka bixisay lacagtii uu ku soo bartay dhakhtarnimada.

Hooyadan ayaa wiilkeeda ka saxeexday qandaraas 1997-kii markaas oo uu 20 sano jiray, waxayna kula heshiisay in uu siin doono 60% dhaqaalaha uu helo marka uu shaqo billaabo.

Maxkamadda ayay ka dacwaysay ka dib markii uu diiday in uu bixiyo lacagtaas muddo dhawr sano ah.

Wiilka ayaa ku dooday in ay khalad tahay in carruurta la waydiisto dhaqaalihii lagu soo koriyay, balse maxkamadda ayaa xukuntay in qandaraaskaasi uu sax yahay.

Hooyadan oo magaceeda lagu soo koobay Luo ayaa korsatay labo wiil oo ay dhashay ka dib markii uu ninkeedu furay.

Luo ayaa sheegtay in ay boqolaal kun oo doolar ka bixisay labadeeda wiilba si ay u noqdaan dhakhaatiir ilkaha ku takhasusay, laakiin way welweshay oo waxay ula muuqatay in ayna daryeeli doonin marka ay gabowdo.

Markaas ayay labadeedii wiilba ka saxeexday qandaraas dhigaya in ay siin doonaan 1.7 milyan oo doolar oo ay waxbarashada kaga bixisay.

Wiilkii waynaa ayaa hooyadii kala heshiiyay qandaraaskii, lacag yar ayuuna siiyay sida ay ku warrantay warbaahinta guduha.

Si kastaba ha ahaatee, wiilka yar oo magaciisa Chu oo kali ah lagu soo koobay ayaa ku dooday in uu aad u yaraa markii uu qandaraaskaas saxeexay, isla-markaana ay tahay in aan waxba laga soo qaadin qandaraaskaas.

Chu ayaa sidoo kale ku dooday in markii uu qalin jabiyay uu hooyadii ilkaha ka daweeyay sannado badan ayna kaga baxday in ka badan lacagta ay hadda maxkamaddu ku xukuntay in uu hooyadii siiyo.

Afhayeen u hadlay maxkamadda sare ayaa BBC-da u sheegay in garsooreyaashu ay go’aankooda ku fadhiisiyeen in uu wiilku qaangaadh ahaa isla-markaana aan lagu qasbin saxeexidda qandaraaska, sidaas daraadeedna uu sharci yahay.

Sharciga madaniga ah ee Taiwan wuxuu dhigayaa in carruurta qaangaadhka ah ay caawiyaan waalidkood marka ay gaboobaan, inkastoo waalidka badankoodu ayna maxkamadaha ka dacwaynin carruurta haddii ay doorkooda ka soo bixi waayaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here