Dawladda Itoobiya Oo Cafis U Fidisay Dhammaan Dadka Siyaasadda Ugu Xidhan Dalkeeda

0
742

Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ka sheegay in xasbiga laga wada sii daynayo dhammaan dadka u xidhan sababaha siyaasadeed, isla-markaana Albaabbada loo laabayo xasbiga weyn ee Maekelawi.

Waxa kale oo uu sheegay in dadka xukun sugeyaasha ah iyaguna Cafis loo fidiyey.

Itoobiya ayaa lagu eedeeyaa ku xad gudub xuquuqda aadamaha, iyada oo la xidh-xidho  dadka mucaaradka ah.

Waa markii ugu horeysay oo ay dowladda Dawladda qirato in ay xabsiyada ku hayso dad u xidh-xidhan sababo siyaasadeed.

Lama oga tirada rasmiga ah ee dadka siyaasadda u xidh-xidhan, balse waxaa la ogyahay in kumanaan la xidh-xidhay sanadkii 2015-kii.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii 19 qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsan yihiin ururka Ginbot 7 lagu xukumay dacwado la xidhiidha Argagixisonimo.

Ma cadda waxa uu ka dhashay go’aankan, balse wuxuu imanayaa kadib wadatashiyo uu lahaa xisbiga talada haya ee EPRDF.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here