Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dalka France ayaa waxa uu shaaciyay inay qabqabteen qaar ka mid ah shabakad Budhcad ah oo ka kooban 15 qof, isla markaana shabakadaasi lagu soo eedeeyay inay la shaqaystaan Meydhista Lacagaha iyo Maandooriyaha sidoo kalena ay u shaqeeyaan Ururka Xisbullaahi.
Shabakada Wararka ee ee Lonaphel ee Dalkaasi ayaa waxay shaacisay in Ururka Xisbullaahi ee ka dhisan Dalka Lubnaan ee Qaarada Yurub iyo Maraykanka ba ku leeyahay Shabakado ku xidhan oo ka ganacsata Maandooriyaha iyo Meydhista lacagaha.
Dawladda France ayaa waxay ku guuleysatay inay gacanta ku dhigto qaar ka mid ragga u hawl gala Shabakadahaasi oo dhawaan lagu fulin doono xukun maxkamadeed.