Ciidammada Dab-damiska ee dalalka Adduunka ayaa waxay tababbaraan rag heegan u ah hawlgaladooda oo mararka qaarkood ku naf waaya.
Ciidanka Dab-damiska ee Dalka Kuwait ayaa shaaciyey in dhawaan hawlgalin doonaan Robout, kaasoo nasin doona si ay u badbaadaan nafaha ciidanku marka ay meeli gubto isla markaana qaban doona hawshii ay qaban jireen ee ahayd inay meesha gubata dammiyaan oo ay badbaadiyaan dadka kale ee ku dhex jira meeshaasi.
Khaalid Raakaan Al Mukraad oo ah Taliyaha Ciidanka Dab-damiska ee Dalkaasi ayaa sheegay in dhawaan ay hawshaasi hir galin doonaan iska markaana ay u tahay guul maadaama oo uu hawl galinayo Aaladaasi nasin doonta xubno badan oo ka tirsan ciidankiisa, sida aanu ka soo xiganay Saxaafada Electronic ah ee Al-Qabas.