DEG DEG:- Madaxweynaha Somaliland Oo Immika Soo Saaray Laba War-saxaafadeed Oo Mid Magacaabis Yahay Iyo Masuuliyiin Caana Oo Kasoo Baxay

0
758

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/WM/222-15/012018 ku magacaabay, masuuliyiintan.

Madaxweynuhu:       

 

Markaan Arkay:                   Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafaha (b), (kh) iyo (sh);

Markaan Arkay:                   Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda Shaqo;

Markaan ku Qancay:          In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:            La-tashi Ballaadhan;

 

Waxaan Go’aamiyey:

 

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiinta magacyadoodu hoos ku xusan yihiin:

Tir

Magaca

Xilka

1.

Cali Cabdillaahi Daahir Xirsi

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda

2.

Axmed Yuusuf Dirir Maxamed

Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka

3.

Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye Faarax

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka

4.

Cumar -sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

5.

Faysal Cali Sheekh Maxamed Cabdi

Guddoomiyaha Hay’ ada U-diyaar Garawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashiinka Qaranka

6.

Cabdikariim Axmed Maxamed Faarax

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

War-saxaafadeed 2-aad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xeer madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/XM/XM/249-11/012018  uu ka soo saaray Xeer-Nidaamiyaha, Dhismaha Wasaaradaha Iyo Hay’adaha gaarka ah ee Xukuumadda, kaasoo qeexaya

1. Wasaaradaha la isku-raray xilkoodii iyo waajibaadkooda shaqo,

2. Hay’adaha madaxa-banaan ee wasaaradaha lagu daray oo ka mid noqonaya waaxo ka mida wasaaraddaha lagu daray,

3. Wasaaraddaha loo bedelay hay’ad madax-banaan sida:- wasaaraddii hore ee Dib-u-dejinta oo loo bedelay hay’ad madax-banaan oo la yidhaahdo hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

4. Hay’adaha Madaxa banaan ee iyaga laftooda la isku daray iyo

5. Xilka iyo Waajibaadka shaqo ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa-banaani ay ku shaqaynayaan oo la qeexay.

Madaxweynuhu:    

Markaan Arkay;              Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland;

 

Markaan Arkay:              Qodobka 104 faqradiisa 1aad ee Xeerka Nidaamka   Xukuumadda iyo Hay’adaha Madaxa Bannaan Xeer Lr.71/2015, oo dhigaya in dhismaha wasaaradaha, habka iyo hannaankooda xil-gudasho, uu Xeer Madaxweyne ku soo saarayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland;

Markaan Arkay;              Qodobka 18aad ee Xeer Lr.71/2015 oo qeexaya in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo isticmaalaya awoodihiisa xeereed uu u qoondaynayo  xukuumadda iyo laameheeda shaqooyinka;

 

Markaan Ku Qancay;       Muhiimada ay leedahay in xilalka laysu raaciyo hab la maamuli karo, si looga hortago habaca iyo kala daadsanaanta shaqada, iyo is-dul-fuulka xilalka iyo waajibaadyada haya’daha xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 18aad, farqadihiisa 2aad, 3aad iyo 4aad ee Xeer Lr.71/2015;

 

Markaan Go’aansaday;     In ay xukuumaddu yeelato wasaaradaha lagama maarmaanka u ah xil gudashadooda, iyada oo laga duulayo siyaasadda guud ee xukuumadda, si waafaqsan Qodobka 26aad ee Xeer Lr.71/2015;

 

Waxaan Soo-saaray

Xeer-nidaamiyaha Dhismaha Wasaaradaha iyo Hay’adaha Xukuumadda ee Xeer Nidaamiye Lr. 01/2018.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here