Shiinaha: Boqor Geeriyooday Oo Lala Aasay Ilaaladiisii Oo Nool

0
1215

– Cilmi-baadhayaasha baadha raadadka taariikhda ayaa dalka Shiinaha ka heley qabri aad u weyn oo lagu keydiyay illaa 8 kun oo sanam oo loo ekeysiiyay Askar rasmi ah, kuwaas oo lala aasay mid ka mid ah boqoraddii ka talin jiray Shiinaha 2000 sano ka hor Qin Shi Huang.

Boqorkan ayaa aaminsanaa in geerida kadib ay nololi jirto, wuxuuna u baahnaa in lala aaso Askar difaacda ama ilaalisa.

Waxaa la sheegay in dadkii hore ee Shiinaha ay aaminsanaan jireen in marka qofka madaxda ah ama magaca leh uu dhinto, in lala aaso Qofkii khaadimka u ahaa ama adeegaha u ahaa, balse markii arrintaas cabasho badan laga muujiyey ayaa waxaa dhashay fikradda ah in la sameeyo sanamyo loo ekeysiiyay Askar.

Waxaa kale oo qabriga laga heley qoraalo tiro badan oo uu boqorkan u digey Guddoomiyeyaal gobol oo uu ku amray in ay soo helaan dawo geerida lagaga bedbaado.

Meeshan ayaa waxa heley Qof beeralay ah oo ceel qodanayay, kadibna waxaa loogu yeedhay dad khubaro ah oo illaa hoos u qoday, kadibna soo saaray wax u eg Mad-xaf weyn oo lagu keydiyay taallooyiin badan.

Waxyaabaha layaabka leh ayaa waxaa ka mid ah in dherar ahaan taallooyinka ay la’egyihiin dadka, isla-markaana mid kasta oo ka mid ah uu leeyahay muuqaal weji oo gaar ah, waxaana sidoo kale la garan karaa derajooyinka ay askarta kala leeyihiin.

Dad badan ayaa u daawasho tago meeshan oo hadda shaqo badan laga qabtay, cilmi baadhis dheeraad ahna lagu wado.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here