Hal Qof oo Carruur ah ayaa ku Geeriyooday Dab ka kacay Guri ku yaalla Magaalada Gabiley Shalay.
Guriga ayaa waxa uu dabku ka kacay Xilli ay ku sugnaayeen Shan Carruur ah oo ay Hooyadood kaga tagtay, waxaana halkaa ku Geeriyooday mid ka mid ah Shantii Carruurta ahaa, halka ay bedbaadeen Afartii kale.
Lama sheegin Sababta iyo waxa dabku ka kacay, laakiin Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo Shalay hadal ka jeediyey Xidhitaankii Shir afartii Maalmood ee u dambeeyay Golaha Wasiirrada uga socday Hargeysa, ayaa ka hadlay Dabka ka kacay Guriga ku yaalla Magaalada Gabiley, isagoo Tacsi u diray Qoyska Ilmaha yari kaga dhintay Dabka Gurigooda ka kacay.
Madaxweynaha oo ka hadlaya Dabka ka kacay Guriga Gabiley ee Ilmuhu ku dhintay ayaa yidhi “Gabiley Guri ku yaalla Maanta Tobankii (Shalay) ayuu Dab qabsaday, Hooyo Danley ah ayaa Carruurtii Guriga kaga tagtay, Shan bay Carruurtu ahaayeen Midbaana ku dhintay afartii kalena way ka baxeen, waanu Tacsiyadaynaynaa.”
Ugu dambayn, Guryaha Dabku ka kaco ee Dadku ku dhintaan ayaa ku soo badanaya Somaliland, waxaana xusid mudan oo Labadii bilood ee u dambeeyay Dab ka kacay Guryo ku yaalla Magaalada Hargeysa ay ay ku dhinteen Carruur marka Tiradooda la isku daro tahay 7.