SUCUUDIGA OO 48 KII SAACADOOD EE UGU DAMBEEYAY 70 QOF KU DILAY YAMEN.

0
695

26 Dec (Qoryaalenews):- Ugu yaraan 71 qof ayaa ku dhintay 48 kii Saacadood ee ugu dambeeyay Weerarro xagga Cirka ah oo xulafada uu Sucuudigu hoggaaminayaa ku bartilmaameedsanayeen Jabhadda Xuutiyiinta ee Dalka Yamen, sida ay sheegeen dadka deggan halkaasi iyo Warbaahinta gudaha ee Waddanka Yamen.

Dadka Qaar ayaa u sheegay warbaahinta in dhawr weerar oo xagga Cirka ah oo laga fuliyay gudaha magaalada Sanca ee Caasimada dalka Yamen lagu dilay ugu yaraan 11 qof oo ay ku jiraan 3 Carruur ah iyo Laba dumar ahi.

Abdul Malek Al-Fadhal, oo ka mid ah dhaqdhaqaaqa xuutiyiinta ayaa yidhi Xulafada Sucuudigu waxa ay bartilmaameedsanayeen guri ku yaalla Galbeedka Sanca kaasi oo uu degganaa Mohammed Al-Raimi oo ah Hoggaamiyaha xuutiyiinta ee Gudaha Magaalada.

V ga ay maamulaan Xuutiyiintu ee la yidhaahdo Al Masirah yidhi ugu yaraan 8 Qof oo shacab ah oo ay ku jiraan laba dumar ah ayaa lagu dilay weerar xagga cirka ah oo ka dhacay Gobolka Hudaydah oo 226km dhanka galbeed ka xiga magaalada Sanca, halka Afar qof oo shacab ah iyagana lagu dilay weerar cirka ah oo kale oo ka dhacay dhisme dawladdu lahayd oo ku yaallay badhtamaha Gobolka Dhamar.

Dhanka kale wakaalada wararka Xuutiyiintu maamusho ayaa soo werisay in ugu yaraan 48 qof oo rayid ah, oo ay ka mid yihiin 11 Carruur ahi ay ku dhinteen weerarrada Cirka ee Xulafada Sucuudigu ka fulisay gudaha Yeman maalintii Axadda.

wakaaladdu waxay intaas ku dartay in dad farabadan lagu dhaawacay ka dib markii Afar weerarar oo cirka ah lala beegsaday dad Mudaharaadayay Oo ku sugnaa Waddada Arxab kuwaasi oo kasoo horjeeday Go’aankii Madaxweynaha maraykanku ugu aqoonsaday Qudus inay tahay Caasimadda Yuhuudda.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo uu Sucuudigu ka soo saaray khasaarahan la sheegayo inuu gaystay.

In ka bada 18 Milyan oo ruux oo ku nool meelaha ay Jabhadda Xuutiyuuntu gacanta ku hayaa ayaa waxa soo wajahay Cunto yaraan iyo daryeel Caafimaad oo aanay haysan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here