Hirshabeelle: Mushahar La’aan Sababtay In Kulankii Baarlamaanka Hirshabeelle Kooram La’aan U Baaqdo

0
569

Kulankii deg degga ahaa ee maanta la isugu yeedhay Golaha Baarlamaanka Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabeelle ayaa u baaqday Kooram la’aan.

Kulankan oo ka dhacayay magaalada Jawhar ayaa waxa ka soo xaadiray Xildhibaanno tiro yar taasi oo sababtay in uu baaqdo, kulankan oo uu dalbaday Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waarre ayaa daarnaa in lagu ansixiyo Gole tiro badan oo uu watay Madaxwenuhu.

Waxa wararku sheegayaan in gabi ahaanba ay soo xaadireen tiro ka yar 45 Mudane halka looga baahnaa in uu kooramku ku furmo 51 Xildhibaan, waxaana sidaas warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Golaaha Baarlamaanka.

Sababta keentay in Xildhibaannadu ka soo xaadiri waayaan Golaha ayaa lagu sheegay in wax mushahar ahba aanay qaadan muddo ka badan 4 Bilood, taasi oo keentay in ay iman waayaan golaha iyaga oo haddana jooga Magaalada Jawhar dhexdeeda, waxaana ay ku gooddiyayaan in aanay ka soo xaadirayn golaha illaa iyo La siiyo Xaqqooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here