Siyaasi Muxaafid Ah Oo Tuhun Geliyey Ujeeddada Shir Wasiirradii Hore Hargeysa Ku Yeesheen

0
591

Siyaasiga Cabdikariin Axmed Maxamed (Xinif) oo ka mid ah Xisbul-xaakimka KULMIYE, ayaa ka hadlay kulan ay doraad Magaalada Hargeysa ku yeesheen Xubno ka mid ah Golihii Wasiirrada ee Xukuumaddii Xilkeedu dhamaaday ee Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.

Kulanka ay Wasiirrada Xukuumaddii hore Hargeysa ku yeesheen oo tuhun abuuray, ayaa Siyaasiga Cabdikariin-Xinif oo Shalay Saxaafaddu waydiisay waxa uu ka fahmay ujeeddada kulankaasi, wuxuu sheegay inaanu garanayn Sababta ay kulankaasi u qabsadeen Wasiirradii hore, laakiin marka uu Waayo-aragnimadiisa kaashado uu dareemayo inay doonayaan inay khilaaf ka dhex abuuraan Xisbiga KULMIYE ama ay doonayaan inay Madaxweynaha wax ka rux-ruxdaan.

Cabdikariin Xinif oo ah Agaasimaha Maamulka ee Komiishanka la dagaalanka Xanuunka Aydhiska ee Somaliland, ayaa isagoo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Arrinka Wasiirradii hore maaha arrin aan ku qancay oo aan filayey. Somaliland Madaxweyneyaashii hore ee Dalka soo maray Wasiirradiisu way raacayeen, laakiin waa markii ugu horreysay ee aan maqlo Wasiirradii hore oo iscasuumay dhaqankeena Siyaasiga ah waa ku ugub, wasiirku marka Xilka laga qaado waa Qof Shicib ah oo Suuqiisa ayuu joogaa, waxaan filayaa waxa jira Arrin aanay weli soo saarin Wasiirradaa hore oo ay Shalay la kala baqeen (Inay soo bandhigaan), marka la isku imanayo lama odhanayo waynu qadaynaynaa oo waynu kala tagaynaa, laakiin Ajande ayaa jira, markaa Ajandihii la iskula dhici waayay ayaa jirta, laakiin waxa uu yahayba wuu iska soo bixi.”

Mr. Xinif wuxuu saadaaliyey in Wasiirrada hore ee Shirka ku yeeshay Hargeysa ay abaabulayaan qorshe ay doonayaan inay khilaaf kaga dhex abuuraan Xisbiga KULMIYE “Aan is faaniyee, had iyo jeer Fidnada waxaan is idhaahdaa waad urisaa (Markay soo socoto) ama khilaafaadka, Waayo? In badan baan khilaafaad soo arkayey, markaa waxa ii muuqda inuu yahay khilaaf Xisbiga lagu soo dhex tuurayo (oo ay soo wadaan wasiirradaa hore ee shiray)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray haddii aanay khilaafkaa soo wadin aanu garanayn ujeeddadooda, haddiiba aanay ahayn uu u fahmayo inay la qabsan waayeen Suuqa markii ay Xilalka banneeyeen “Xukuumadda uu Madaxweynuhu dhisay waxay jirtaa 10 Cisho, Wasiirkii u dambeeyay wuxuu Xilka wareejiyey 22-kii bishan, markaa maan fahmin durba Cabashadan iyo is-urursigan, waxaan is idhi ma suuqii ayaa ka hor-yimid Wasiirradii hore, ma Madaxweynaha cusub baa wax laga rux-ruxanayaa? Ama khilaaf baa la abuurayaa, waxaanse leeyahay Saaxiibbaday (Wasiirrada) KULMIYE laba jeer ayuu Doorashada helay labadii jeerba waa la iga tagay oo Wasiir la igama dhigin oo waan ku qancay, waanigaa iska qoslaya ee nool ee quruxda badan, Noloshuna xil uun maaha, markaa waxaan leeyahay hadday idinku qadhaadhaatay iska aqbala.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here