Fiidnimadii xalay ayaa waxa ayaa waxa weerar iyo dilal qorshaysani ka dhaceen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kuwaasi oo ka kala meelo kala duwan oo Magaalada dhexdeeda ah.
goor fiidkii ah ayaa waxa laga maqlay Qarax Fadhiisinka Ciidamada Dawladdu ay ku leeyihiin Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, waxaana isla markiiba Xigay dagaal la isku adeegsanayay rasaas oo muddo socday kaasoo u dhexeeyay Ciidamada ilaalada Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Kuwii weeraray, weerarkan ayaan sidoo kale la ogayn khasaaraha ka dhashay.
Qaar ka mid ah dadka deggan agagaarka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa sheegay in weerarku uu ku bilaabmay Qarax Bambada Gacanta laga tuuro ah, ayna xigtay rasaas 10 Mirir socotay, Isla markaana dableyda soo weerartay wasaaraddu aanay galin gudaha Wasaaradda Balse uu dagaalku dhex maray Ciidankii ilaalinayay wasaaradda oo Xaafadaha dhexdooda Difaac kaga jiray.
Dhanka kale Xaafadda Via Roma ee Degmada Xamarweyne ayaa waxa lagu dilay weerar qorshaysan mid ka mid ah Dhallinyaradii uu Shaqaalaysiiyay maamulka gobolka Banaadir oo la odhan jiray Ayaanle, waxaana Dilkiisa sheegatay inay fulisay Xarakada Alshabaab.
Illaa iyo hadda kamay hadlin Dawladda soomaaliya weerarka iyo Dilka ka dhacay magaalada habeenkii xalay, sidoo kalena ma jirto cid loo soo qabtay Weerarka iyo Dilkaasi qorshaysnaa ee laga kala fuliyay Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Xaafadda Via Roma.