Soomaaliya Oo Ku Dhawaaqday Toddobaadyo Gudahood Ay Maamulka Hawada Lasoo Wareegayso Iyo Aamuska Dawladda Somaliland

0
688

Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay inay Laba Toddobaad ka dib si buuxda ula wareegayso Maamulka Hawada Soomaaliya oo ay Somaliland-na ku jirto.

Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Salaad Oomaar oo ku sugan dalka Kanada, ayaa sheegay Laba toddobaad kaddib in la soo wareejin doono Hawada Soomaaliya oo hadda laga maamulo dalka Kenya.

Wasiir Omaar ayaa tilmaamay in 28-ka bishan la qaban doono munaasabad lagu soo bandhigayo qalabka cusub ee hawada Soomaaliya lagu Maamulayo, kaasi oo dhawaan lagu rakibay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, “Bishii May iyo Bishii September ee Sannadkan waxaan tagay Magaalada Montreal ee Dalka Kanada oo ah Xarunta guud ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilan Duulimaadyada Rayidka ee ICAO, Heshiiskii u dambeeyayna 12-kii December, 2017-ka ayaanu halkaa ku kala saxeexannay ee ahaa in hawada Soomaaliya laga Maamulo Waddanka gudihiisa, markaa arrintaasi way soo dhammaatay.” Ayuu yidhi, Wasiirka Duulista Soomaaliya, waxaanu intaa ku daray “Isla markiiba waxaanu bilownay rakibaadda Qalabka, Rakibaaddii Qalabkuna halkii u dambaysay ayuu marayaa, waxaan ugu bushaaraynayaa Bulshada Soomaaliyeed in 28-ka bishan qaban doono Xafladdii lagu dhamaynayey Qalabka lagu Maamulayo Hawada Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho lagaga maamulayo, diyaaradaha maraya hawada Soomaaliyana waxa lagala hadli doonaa Magaalada Muqdisho. Illaa bisha January ee Sannadka dambe waxaanu isla sii shaqayn doonaa Xafiiska Nairobi iyo ka Muqdisho, February waxaanu bilaabi doonaa  in la soo xidho Qalabkii naga yaallay Nairobi.”

Wasiirka Duulista Soomaaliya wuxuu sheegay in Shaqaalaha Soomaalida ah ay u socdaan Tababbarro ku saabsan sida loogu shaqeeyo Qalabka lagu Maamulo Hawada, laakiin inta ka horreysa Qalabka lagu Maamulayo Hawada Soomaaliya ay ku shaqayn doonaan Dad ajaanib ah, Hay’adda ICAO lafteeduna ku lug yeelan doonto, wixii intaa ka dambeeyana Maamulka Hawada lagu wareejin doono Shaqaalaha Soomaalida ah ee Xilligan Tababbarku u socdo.

Ugu dambayn, Somaliland oo Soomaaliya Madax-bannaanideeda kala soo noqotay Sannadkii 1991-kii, ayaan weli ka hadal Maamulka Hawada ee Dawladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in lagu wareejinayo, maaddaama oo Somaliland hore u sheegtay in aanay ogolaanayn in Soomaaliya lagu wareejiyo Maamulka Hawada ee hore uga dhexeeyay, maaddaama oo ay xilligan laba Dawladood kala yihiin isla-markaana kala Madax-bannaan yihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here