Dab Ka Kacay Maraykanka Oo Baa’biiyey Dhul U Dhigna Bedka Magaalooyinka New York, Brussels Iyo Paris

0
900

Dab xoog leh oo baabi’iyey in ka badan 700 oo guri oo ku yaalla gobolka California ayaa iminka noqday dabkii ugu weynaa ee soo mara taariikhda gobolkaas.

Dabka oo loo bixiyey Thomas ayaa gubay in ka badan 1,000 KM oo isku wareeg ah. Waa bed ka ballaadhan magaalooyinka New York, Brussels iyo Paris oo la isku daray.

Dabka wuxuu horraantii December ka billowday Santa Paula, wuxuuna ku fiday dhinaca galbeed ee xeebta, isagoo ka mid ah dhowr dab soo maray California bilihii dhowaa.

Kumanaan dab-damiyeyaal ah ayaa la hawlgaliyey si ay u bakhtiiyaan.

Inta badan dababkii gobolkaas ka qarxay ayaa la diiwan geliyey qarnigan. Saynisyahannadu waxay sheegayaan in cimilada sii kululaanaysa iyo dhismayaasha ku sii faafaya meelaha baadiyaha ah ay qayb ka qaadanayaan.

Dabkan la magac baxay Thomas ayaa kuwii isaga ka horreeyey ka sare maray, gaar ahaan kan loo yaqaanno Cedar ee ka dhacay San Diego 2003, kaasoo gubay 273, 246 acre oo dhul ah.

Dabka Thomas wuxuu burburiyey in ka badan 1000 dhisme, waxaana ku dhintay hal dab damiye oo la yidhaahdo Corey Iverson.

Iminka si tartiib ah ayuu u socdaa, waxaana ugu wacan dabaylo aan badnayn iyo roobab da’aya.

Hay’adda gobolkaas u qaabilsan dam-daminta waxay sheegaysaa in iminka 65% dabka la bakhtiiyey, lana filayo in si tartiib ah uu u socdo.

Toddoba ka mid ah 10kii dab ee ugu waaweynaa California ayaa dhacay tan iyo sannadkii 2000.

Laba waxay dhaceen 70-aadkii, midna 1932kii, kaasoo baabi’iyey degmada Ventura.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here