Badhasaabka Togdheer Oo Ka Hadlay Khilaaf Sameeyay Adeegyada Bulshada Oo Soo Kala Dhex Galay Golaha Deegaanka Burco

0
796

Xildhibaannada Golaha Deegaanka ee Magaalada Burco, ayaa waxa soo kala dhex galay khilaaf laga dareemay habsami u socodka Shaqo ee Dawladda Hoose ee Magaaladaasi, taasi oo keentay in Shacabku Cabasho ka muujiyo adeegyadii aasaasiga ahaa oo aan sidii la rabay u soconin.

Xildhibaannada Golaha deegaanka oo qaarkood doonayaan in la beddelo Maayarka Magaaladaasi, ayaa Warbaahinta isku mariyey eedaymo ku saabsan Waajibaadkooda oo ay isku riix-riixayaan, laakiin Maamulka Gobolka Togdheer oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay inuu ka xun yahay in Xildhibaannada Golaha deegaanka Burco ay Warbaahinta isku mariyaan wax ay hoos u dhamaysan karaan.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) oo Shalay Warbaahintu wax ka waydiisay Khilaafka Golaha deegaanka Burco, ayaa isagoo ku sugan Hargeysa wuxuu ku jawaabay  “Aad baan u dhibsadaa Warbaahinta ay taagan yihiin, ee wax ay Xafiisyadooda ku dhamaysan kari lahaayeen ama Cabatinku halkuu lahaa hadday rabaan inay wax saxaan (way samayn kari lahaayeen), laakiin waxaad arkaysaa Xildhibaan ka qaylinaya Tv-yada oo waxa uu ku qaylinayaana ay tahay Dambi uu isagu faraha kula jiro oo uu haddana ku eedaynayo Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ama Xildhibaannada kale, arrintaasi waa khalad baan qabaa oo Bulshada ayaan kala dareen ahay oo waa khalad, waxaanan ugu baaqayaa inay joojiyaan waxyaabaha noocaas ah.”

Badhasaabka oo la waydiiyey inay jiraan Xildhibaanno u soo gudbiyey Mooshin ay doonayaan inay Xilka kaga Xayuubiyaan Maayarka Burco oo uu ka diidday, ayaa ku jawaabay “Gobolka Togdheer waxaan joogaa Sannad iyo bil, weli maan arag Mooshin ay Xildhibaanno soo qoreen oo Cid ku diidday, Xaq bayna u leeyihiin oo 7 Xildhibaan way soo jeedin karaan, laakiin markooda hore ayayna waxba ku wada soconin (Xildhibaannadu), ee maxay Cid kaleba wax saari.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray inay khalad tahay in Xildhibaannadu ay Warbaahinta eedaymo isku mariyaan “In Cidlo la iska eedeeyo ma qabo, waxaan qabaa in Maamulka degmadu dedaalayo..”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here