Mombasa: FBI-da Maraykanka Oo Boqol Carruur Ah Kala Baxay Madarasad Lagu Barayey Qur’aanka

0
729

Booliska Kenya iyo ciidammo dalal kale ka socda ayaa galay madarasad ku taalla magaalada Mombasa ee dalka Kenya, waxayna xidheen ku dhowaad 100 Ardey.

Warbaahinta gudaha ee Kenya ayaa soo xigatay boolis sheegaya in weerarka uu qeyb ka yahay la dagaallanka wax ay ugu yeedheen argagixisada.

Howlgalka oo Salaasadii la fuliyay waxaa qeyb ka ahaa booliska Kenya, ciidamada FBI-da Mareykanka iyo kuwa UK ee loo yaqaano Scotland Yard.

Inkastoo booliska Kenya ay ka gaabsadeen in ay arrinta ka hadlaan, haddana hoggaamiyeyaasha culimada iyo goob-joogeyaal ayaa sheegay in afar macallin iyo ku dhowaad 100 ardey ay yihiin kuwa la xidhay.

Wargeyska gaarka loo leeyahay ee The Star ayaa ku warramay in ciidamada ay haysteen warar sir ah oo sheegaya in madarasadda “lagu xagjireynayay carruurta”.

Sheekh Xasan Cumar oo ka mid ah mas’uuliyiinta golaha iimaamyada, oo sidoo kale galaangal wayn ku leh Kenya, ayaa sheegay in “been ay tahay” eedaha la xidhiidha in Madarasadda ay ku sugnaayeen dad ka mid ahaa ururka la baxay Khilaafada Islaamka, oo ka soo noqday Suuriya.

Madarasadda waxaa lagu magacaabaa Al-Falaax, waana meel ay carruurta ku xifdiyaan qur’aanka Kariimka ah, Sida uu BBC-da u sheegay Sheekh Xasan Cumar.

“Waa la dacweyn rabaa, maxkamad baa la geyn rabaa, mana garaneyno wax lagu haysto”, ayuu yidhi.

Waxaa loo maleynayaa in carruurta qaar ee Madarasadda dhiganayey ay ka yimaaddeen qaar ka mid ah dalalka reer Galbeedka, sida Mareykanka iyo Britain “Argagixiso iyo wax ay shaqo ku leeyihiin ma aha, quraankaas ay xifdiyayaan ayuun bay ka xun yihiin, been weeyaan waxay sheegayaan, wax ka jiraana ma jirto.” ayuu yidhi Sheekh Xasan Cumar oo ka hadlayay eedaha loo jeediyay madarasadda.

Qaar ka mid ah careuurta ayaa la geeyay maxkamad, waxaana waalidiinta la weydiiyay in ay keenaan warqadaha dhalashada ee caddeynaya in ay carruurtooda yihiin. 33 ayaana la sii daayay illaa iyo hadda.

Sheekh Xasan ayaa sheegay in Madarasadda ay diiwaan gashan tahay, ayna wax barto carruur laga kala keenay daafaha Caalamka oo la baro Qur’aanka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here