Dhoofka Xoolaha Nool Ee Somaliland Hadda Muxuu U Xidhan Yahay ?

0
1014

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha JSL, Md Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa soo bandhigay dedaalkii uu u galay furitaanka dhoofka xoolaha iyo sababta uu hadda u xidhan yahay.

Wasiir Cukuse, waxa uu arrintaasi ka sheegay xafladdii uu xilka wasaaraddaasi ku wareejinayey shalay, waxaanu yidhi “Waxaynu joognaa xil-wareejinta guud ee qaybaha kala duwan ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha, guud ahaan shaqaalaha ka hawlgala wasaaraddan oo 75% dhakhaatiir yihiin ka soo kala baxay dalka gudihiisa iyo waddamada deriska ee kala ah Itoobiya iyo Sudan, marka laga reebo dhakhaatiirtii hore ee waayidii hore wax bartay”.

Cukuse waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda dhoofka xoolaha Somaliland, waxaanu yidhi “Xoolihii oo la inaga xidhay 2016-kii, waxaanu ku guuleysanay in neefkii Xoolaha ahaa mar kale loo dhoofiyo dalka Sucuudiga, xilligii Xajka oo waynu dirnay oo way tageen, sidaasi ayey markhaati cad ugu helnay in neefkeena xoolaha ahi uu caafimaad qabo, balse sababta uu maanta u xidhan yahay ay tahay siyaasad, laakiin uu neefkeenu nadiif yahay”.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here