Turkiga Oo Doonaya Inuu Magaalada Quddus Uu Safaarad Uga Furo Falastiiniyiinta

0
1075

– Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in uu doonayo in uu falastiiniyiinta uga furo bariga Quddus safaarad uu Turkigu leeyahay.

Khudbad uu jeediyey ayuu ku sheegay Mr Erdogan in horeba ay halkaas uga furnayd qunsuliyad uu leeyahay Dalkiisa Turkigu.

Magaalada waxaa gacanta ku haysa Dawladda Israa’iil oo ku tilmaanta caasimaddeeda aan la kala qaybin karin, lamana hubo sida uu arrintan u hirgalin doono Mr Erdogan.

Hoggaamiyaha Turkiga wuxuu hore u cambaareeyey tallaabada uu Madaxweynaha Maraykanku ku doonayo inuu safaaraddiisa ugu raro Quddus, uguna aqoonsanayo caasimadda Dawladda Yuhuudda ee Israa’iil.

Toddobaadkii hore ayaa shir-madaxeed ay isugu yimaaddeen dalalka islaamka waxay ku baaqeen in beesha caalamku ay u aqoonsato bariga Quddus inay tahay caasimadda Falastiin.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here