Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Xilkii Wasaaradda Madaxtooyada Wareejiyey, Xilli La Baabiiyey Wasaaradiisa Iyo Cidda Uu Ku Wareejiyey

0
1203

Ex Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo ahaa wasiirkii madaxtooyada Somaliland ee xukuumaddii Siilaanyo ayaa sheegay in uu wareejiyey xilkii uu qaranka u hayay. Qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebookga ayuu ku sheegay in uu xilkii wasiirka madaxtooyada Somaliland ku wareejiyey agaasimaha madaxtooyada Somaliland Khadra Xaaji Gaydh. Inkasta oo aanu madaxwayne Muuse Biixi wax agaasime ah oo cusub u magacaabin madaxtooyada Somaliland.

Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in muddadii uu wasiirka madaxtooyada ahaa ee labada sanno uu waxqabad badan sameeyey, isla markaasina uu u mahadcelinaayo shaqaalaha  madaxtooyada Somaliland.
Ex Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa tilmaamey in xukuumadda Muuse Biixi Cabdi uu u noqon doono musdanbeed, waxa kale oo uu Maxamuud Xaashi hoosta ka xariiqey  in aanay meel cidlo ah musdanbeed ka noqon doonin ee ay qaranka u shaqeyn doonaan.

Badh kamida qoraalka wasiirka hore madaxtooyada ayaa u dhignaa sidan; “Xilkii qaranka maanta laga bilaabo anaggu waannu ka nasanay, waxaanu boggaadinaynaa golaha wasiirada cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi cugtay iyo madaxweyne ku xigeenku, waxaan aaamin-sanahay inay yihiin gole tayo leh oo tiro yar, gole xaqiijin kara himiladii xisbiga KULMIYE iyo balanqaadyadii aannu bulshada u balan-qaadnay, intayada kalena maanta waannu daba-fadhinaa, raggayagii kale ee khibrada badan lahaana dabadooda ayaannu fadhinaa oo musdambeed baanu u nahay, meel cidlo ah mus-dambeed ka noqon maynee dawlad shaqaynaysa ayaannu annagu mus-dambeed ka nahay, meel cidlo ah mus-danbeed kama nihine, dawladd soo baxday oo dawladayadii ah oo xisbigayagi ah oo taanu dhisnay ah ee guulaysatay oo guushaa inteeda weyn aanu leenahay, tallo iyo tusaalena aanu la dabataagan nahay.” Ayuu yidhi Ex Wasiir Maxamuud Xaashi

Ugu danbeyntiina wasaaradda madaxtooyada Somaliland ayaa ahayd wasaaraddaha ugu awooda badanaa wakhtigii madaxwayne Siilaanyo talada dalka hayey bal se madaxwayne la doortey ee Muuse Biixi ayaan ku soo darin liiska wasaaraddaha dalka isaga oo ka reebay iyada iyo wasaaraddo badan oo kale.

Muuse Biixi Cabdi madaxwayne ay doorteen shacabka Somaliland ayaa baabiiyey qaar ka mid wasaaraddiihii dalka isaga oo hoos geeyey wasaaraddo kala duwan;

1. Wasaaraddii madaxtooyada
2. Wasaaraddii duulista iyo hawada
3. Wasaaraddii Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda
4. Wasaraddii dhaqanka iyo dalxiiska

Muuse Biixi Cabdi ayaa weli shacabku uga fadhiyaan dhameystirka xilalka kala duwan ee qaranka ka banana.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here