Howlgal qorsheysnaa ayaa xalay saqdii dhexe xilliga Muqdisho ay ku qaadeen ciidamada nabadsugida ee NISA hoyga uu deganaa siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, waxaana howlgalkaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, iyadoona lagu qabtay C/raxmaan C/shakuur iyo siyaasi kale oo la joogay.
Ilaa afar askari oo ka tirsanaa ilaalada C/raxmaan C/shakuur ayaa ku dhintay howlgalkaasi kadib markii ay ka iska caabiyeen ciidamadii ilaalada u ahaa C/raxmaan C/shakuur oo naftiisa dhaawac fudud uu kasoo gaaray howlgalkaasi.
Ciidamada NISA ayaa kaxeystay C/raxmaan C/shakuur oo dhaawac qaba iyo Sayid Cali Macallin oo horay usoo noqday maareeyaha dekadda Muqdisho, waxaana lagu xiray xarunta nabadsugida NISA ee guriga Habar Khadiijo.
Maanta ayey aheyd markii xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir uu faray hay’addaha amniga inay shaqadooda qabsadaan xili uu baarlamaanka ka codsaday in xasaanada laga qaado xildhibaanada kala ah Xasan Macallin Maxamuud iyo xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye, si loogu soo oogo dacwado uu xeer ilaaliyuhu sheegay in caddaymahooda iyo baaritaankooda uu dhamaystiran yahay, isla markaana dalal shisheeye kasoo qaateen lacago si qaranka loogu dumiyo.