War-saxaafadeed: Baaq Ku Socda Qurbe-joogta Reer Somaliland

0
591

Hay’adda Qurbe-joogta Somaliland, ayaa baaq u dirtay Dhammaan Qurbe-joogta reer Somaliland ee ku kala sugan Dalalka Adduunka.

War-saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Qurbe-joogta oo Warbaahinta soo gaadhay isla-markaana uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Hay’addaasi Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayax-weerar) ayaa u qornaa sidan “Waxa dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka qabsoomay doorashadii 5aad ee madaxtinimada November 13, 2017 oo si dimuqraadi ah oo nabadgelyo ah uga wada dhacday dalka guud ahaan laguna doortay Madaxweyne Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweyne-ku-xigeen Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Hay’adda Qurbajoogga Somaliland ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL waxa ay ku hambalyaynaysaa qurbajoogga Somaliland ee Jaalliyadaha kala duwan doorkii wadaniyadda iyo firfircoonida lahaa ee ay ka soo qaateen doorashada, gaar ahaan kumanaankii mutadawaciinta ahaa ee jeebkooda iyo wakhtigoodaba u huray ololihii iyo hawlihii doorashada ee ay axsaabta qaranka la soo qabteen. Waa mid ka turjumaysa kaalinta mugga iyo miisaanka leh ee qurbajooggu ku leeyihiin taabba-gelinta hannaanka dimuqraadiyadda iyo nidaamka  xisbiyada badan ee ka hanaqaaday dalka.

Doorashada dabadeed, waxa aannu ugu baaqaynnaa jaalliyadaha Somaliland in la xaqiijiyo midnimo, wadajir iyo iskaashi buuxa oo qurbajooggu ka yeesho ka wada-shaqaynta danaha dhexdooda iyo dalkooda, lana dardargeliyo doorka waxtarka leh ee qurbe-jooggu ka gaysto  dalka, si buuxdana loo taageero geeddi-socodka horumarka qaranka JSL ee hoggaanka cusub shacabku u doortay November 13, 2017.

Doorasho kasta oo dimuqraadi ah oo ka qabsoonta dalka waxay kordhinaysa wacyiga beesha caalamka ee xaqiiqada jiritaanka dalnimo iyo doonista shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, waxanay taageero u tahay geeddi-socodka dedaalka aan ugu jirro ictiraaf iyo aqoonsi buuxa oo qarankani helo. Sidaa darteed, waxa aannu ugu baaqaynnaa qurbe-joogga Somaliland inay fursaddan uga faa’iidaystaan dedaalkooda ictiraaf raadinta waddamada ay joogaan oo dhan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here