65 Soomaali Ah Oo Lagu Dilay Kililka Oromada Itoobiya Iyo Colaaddii Labada Qoomiyadood Oo Meel Halis Ah Maraysa

0
1140





ku Dhawaad 65 Qof oo ka mid ahaa Soomaalida Itoobiya ee ku noolaa Kililka Oromada Dalkaasi, ayaa si wadar ah loogu laayey Deegaanno uu ka mid yahay Daaro Labbo oo ka tirsan Gobolka Oromada ee Jirro.

Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa ku eedeysay ismaamulka Oromiya dhimashada ugu yaraan 60 Qof oo ay sheegeen inay ahaayeen dad maxaabiis ah.

Madaxa xafiiska arrimaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, Idiris Ismaaciil ayaa Laanta Afka Soomaalida ee BBC-da u sheegay in dadkaas markii la laayey Meydadkooda lagu riday meel god ah.

 

Inkastoo ayna eedeyntaas xaqiijin ismaamulka Oromiya, ayey haddana dad goob-joogeyaal ah sheegayaan in tiradu ay intaas ka badan tahay



“Dad Soomaali ah oo Maxaabiis u ahaa, Tiradooduna ahayd Lixdan ay Oromadu Gawraceen” sidaa waxa BBC-da u sheegay Madaxa Xafiiska Arrimaha Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya Mr. Idiris Ismaaciil, waxaanu intaa ku daray “Markii ay laayeen ayay Meydadkoodii sida Qashinka God ku rideen.”

Masuulkan oo la waydiiyey wuxuu ku caddayn karo Dilalka loo geystay Soomaalida ku sugnayd deegaanka Oromada ayaa ku jawaabay “Waxaan ku Xaqiijin karaa waxa deegaanka ku sugan Wasiirka Difaaca Dawladda Federaalka Itoobiya, waxa kale oo ku sugan meesha Masuuliyiin kale oo Arrintan Xaqiijinteeda u jooga. Waxa kale oo aan kuu Xaqiijinayaa in Ciidammada Qaranka (Milletariga) oo halkaas tagay illaa Kowdii ayay ku qaadatay oo illaa kowdii Nimankaa (Oromada ah) la dagaalamayeen.”

Laakiin, Qof goob-jooge ah ayaa sheegay in Tirada Dhimashadu tahay 66 Ruux, “65 ee la dilay waxa markii hore meesha iskugu keenay markii Soomaalida iyo Oromadu is naceen ayaa Booliiska Oromadu yidhaahdeen Amaankiina ayaanu sugaynaa (ee Saldhigga gala), Marka hore Tirada Dadkaasi waxay ahaayeen 66, laakiin 65 baa Meydadkooda la helay iyadoo la goo’gooyey.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxaanu ka xanuunsanaynaa in Dadka kale ee la haysto in sida kuwaa loo galay si la mid ah loo galo, Dhimashada Dadkaasi waxayna hadda noo damqaynin culayska na saaran, waayo? Dawladdii deegaanka Oromadu waxay u diyaar-garowday inay Soomaalida la deggan Gumaado.”

Nin kale oo Goob-jooge Soomaali ah oo codsaday inaan Magaciisa la shaacin sababo amni dartood wuxuu sheegay in uu ka baxsaday dilka oo uu isaga iyo laba Carruur ah oo uu dhalay ay joogaan meel buur ah, halka xaaskiisa iyo afar carruur ahna aanu war ka hayn meel ay ku dambeeyaan.

Dhanka kale, Madaxa Jaaliyadda Oromada ee Kanada oo BBC-da u xaqiijiyey dhimashada Dadka Soomaalida ah, balse wuxuu sheegay in iyagu maqleen in Ciidanka Liyuu Booliska ay rasaas ku fureen dad Oromo ah oo ay dileen 33 Qof, ka dibna nin uu walaalkii ka mid ahaa dadkii la dilay oo cadhaysan uu isna rasaas ku furay dad Soomaali ah.

Wuxuu intaa ku daray in ayna fiicnayn in aargoosi la isu laayo, wuxuuna labada dhinac ka codsaday in ay dhibaatada ku xalliyaan qaab dhaqanka waafaqsan.



Colaadda Oromada iyo Soomaalida ayaa bilaabantay Dhowr bilood ka hor, ka dib markii Qoomiyadda Oromadu Dad Ganacsato Soomaali ah ku laayeen Magaalada Hawaday ee Dalka Itoobiya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here