Xildhibaan soo Dhaweeyey Wasiirrada uu soo Magacaabay Madaxweyne Muuse

0
1149

Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Bidhi oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Degaanka degmada Burco,  ayaa ka hadlay siduu u arkay Golaha Wasiirrada ee uu soo magacaabay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Xildhibaan Bidhi ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo xukuumadda, waxaannu yidhi; “Dawladda uu soo magacaabay madaxweyne Muuse Biixi, waxaan u arkaa inay tahay dawladdii laga filayey waanan ku hambalyeynaynaa inuu keeno dad uu u arkay inay la shaqayn karaan oo xul ah, waxaanan u qabaa  inay yihiin masuuliyiin horumar gaadhsiin kara Somaliland, dhamaan wasiirrada iyo wasiir ku xigeennada uu doortay waan u hambalyeynayaa, madaxweynaha iyo masuuliyiinta uu cugtayna waxaan leeyahay Alle ha idiin fudaydiyo xilka.”

“Haddii aan eego dawladan uu madaxweynuhu doortay iyo waxyaabaha ay shacabku ka filayeen waxaan odhan karaa inay tahay dawladdii uu balanqaaday, dhinac marka laga eego waxa ka muuqda xisbi yahanadii Kulmiye ee la soo halgamay.  waxa kaloo  ka muuqda dad aan xisbina ahayn oo aqoon leh, waxa ka muuqda  xubno xisbiyada mucaaridka ah ku jira,  waana dawladdii laga filayey oo loo dhan yahay, waana dawlad uu qayb kasta oo bulshada ah cid ka soo qaatay,”ayuu ku dooday Xildhibaanku.

Mr. Bidhi wuxuu ku booriyay madaxweynaha inuu marka dambe haweenka xukuumadiisa ku jira kordhiyo, waxaannu yidhi;  “Anigu waxaan jeclaa in dumarka intaas la siiyey looga badiyo waayo waa qaybta ugu badan ee bulshada iyaga ayaana doorashadii dhacday halgankeeda iyo quruxdeeda lahaa oo codka ugu badnaa lahaa, halkaas ayaanan leeyahay madaxweynaha dib ugu noqo marka labaad ee aad qalinkaaga kor u qaado ee aad wax magacaabayso.”

Ugu dambayn Xildhibaan Bidhi ayaa shacabka somaliland ugu baaqay inay wasiirada cusub ka daayaan muraayada qabyaalada ee ay ku eegayaan waxaanu yidhi “Shacabka Somaliland waxaan leeyahay dawladdii aynu madaxweynaha ka sugaynay waa kaas soo magacaabay,  waxaana la inooga baahan yahay inaynu la shaqayno oo aynaan ku degdegin wax ka sheegeeda, waana inaynu ka kornaa qabiilka loomana baahna in la yidhaa reer hebel ayaa ku jira iyo  reer hebel ayaana ka maqan, runtiina waxaynu u baahan nahay cid wax qabanaysa,”ayuu hadalkiisii ku soo gunaanaday xildhibaanku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here