Meeqaamka Wufuudda Dawladaha Kenya, Jabuuti, Itoobiya Iyo Tanzania Kaga Qayb-gelayaan Caleem-saarka Madaxweynaha Cusub

0
658

Haddii Alle yidhaahdo Arbacada Maanta oo ku beegan 13-ka bisha December, 2017-ka waxa Qasriga Madaxtooyada Somaliland ka dhacaysa Munaasibad ballaadhan oo lagu caleemo-saarayo Madaxweynaha cusub ee dhawaan ku guuleystay Doorashadii Madaxtooyada Md. Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo xilka Qaranka hayn doona Shanta sannadood ee soo socda.

Munaasibadda Caleemo-saarka Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi isla-markaana uu Xilka kagala wareegayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka qayb-galaya Marti Sharaf tiradoodu gaadhayso 1500.

Xafladdan ayaa laba ujeeddo leh, kuwaasi oo kala ah Xil-wareejinta Madaxweynaha Muddo-xileedkiisu dhamaaday iyo Caleemo-saarka Madaxweynaha Xilka la wareegaya, sidaana waxa sheegay Wasiirka arrimaha dibedda, ahna Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada Dr. Sacad Cali Shire “Xafladdu waa Xaflad laba ujeeddo leh, mid waa Xil-wareejin iyo Caleemo-saar, Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xilka ku wareejinaya Madaxeynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi, waxaana isla Madashaas lagu dhaarin doonaa Madaxweynaha la doortay iyo Madaxweyne ku-xigeenka la doortay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Dad badan baa ka qayb-galaya, Siyaasiyiinta, Axsaabta, ganacsatada, Madax-dhaqameedyada, Xildhibaanno, Dalka dibeddiisana waxa ka qayb-galaya Dad badan oo aanu casuunnay oo Siyaasiyiin leh, Xildhibaanno leh, Wasiirro leh, oo Saxaafad leh.”

Wufuudda hor-dhaca ah ee Dalka u yimid ka qayb-galka Caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Somaliland ayaa waxa mid ah Wefti ay hoggaaminayso Safiirka Midowga Yurub u u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Veronique Lorenzo, xubnana ka yihiin safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Daved Concar, safiirro diblomaasiyiin ka socda dalalka Denmark, Sweden iyo Switzerland iyo weliba saraakiil sare oo ka tirsan hay’adda dalka Britain u qaabilsan deeqaha caalamiga ah ee DFID. Weftigan ayaa waxa Shalay gelinkii dambe qaabilay Madaxweynaha Maanta Xilka la wareegaya isla-markaana soo dhaweeyay.

Sidoo kale, Wufuudda Dalalka Deriska ka imanaya ayaa waxa ka mid ah  Madaxweyne ku-xigeenka Kililka shanaad, waxaana wefti uu hoggaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Kililka shanaad ee Itoobiya Magaalada Wajaale ku soo dhaweeyay Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Cadaaladda Somaliland.

Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka mid ah Guddiga qaban-qaabada caleemo-saarka Madaxweynaha cusub, oo hadal kooban ka jeediyey soo dhaweynta Weftiga ka socda Kililka shanaad ayaa yidhi “Martidiina noo timid aad iyo aad baanu ugu faraxsanahay, waxaanu u arkaynaa Qaddarin weyn iyo inaad na sharafteen oo aad codsigayagii soo ajiibteen. Markaa waanu idinku soo dhaweynaynaa Caleemo-saarka Madaxweynaha cusub, waa mid innaga dhaxaysay inaad noo timaaddaan.”

Madaxweyne ku-xigeenka Kililka shanaad, ahna Wasiirka Horumarinta Magaalooyinka Cabdikariin Cigaal Cumar oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi “Aniga oo matalaya Madaxweynaha Kililka waanu ku faraxsanahay soo dhaweynta loo sameeyay Weftigaygan ballaadhan, haddii Alle yidhaahdo Maanta (Shalay) iyo Berri (Maanta) waanu joogaynaa Somaliland, annaga oo u socona inaanu ka qayb-galno Caleemo-saarka Madaxweynaha cusub Muuse Biixi Cabdi.”

Wufuudda ka qayb-gelaya Caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Somaliland kuma koobna intaas, waxaase xusid mudan in Dadka ka soo qayb-galaya uu ka  mid yahay Ugaaska guud ee Beesha Ciise Ugaas Rooble, kaasi oo la sheegay inuu Jabuuti ka soo raacayo Wasiirro ka socda Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti oo saaka ka soo degaya Garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

Waxa xusid mudan in la saadaalinayo inuu Xafladda Caleemo-saarka Madaxweynaha ka qayb-galayo Wasiirka Arrimaha dibedda ee Dalka Tansaaniya Mr. Mohinga oo mar ahaa Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Somaliland, Dawladda federaalka Itoobiya ayaa iyagu Xafladdan u soo dirtay Masuul hore Wasiir u ahaa, halka la weriyey in Xafladdan ka soo qayb-galaan Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Dalka Kenya.

Xafladdan waxa kale oo ka qayb-galaya Madaxweynihii saddexaad ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweyne ku-xigeennadii hore ee Somaliland iyo muwaadiniin kale oo tiro badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here