Madaxweynaha La Doortay Oo Maanta Xilka La Wareegaya & Shacabka Oo Rejo Ka Qaba Inuu Hanti-dhowr Geliyo Wasiirrada Xilkoodu Dhamaaday

0
764

– Haddii Alle yidhaahdo Arbacada Maanta oo ku beegan 13-ka bisha December, 2017-ka, waxa Xilka Madaxweyne-nimo ee Qaranka Somaliland la wareegayo Madaxweynaha Shacabku ku soo doortay Doorashadii Dalka ka dhacday 13-kii bishan November, 2017-ka, Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo noqonaya Madaxweyne ku-xigeenkii Afraad ee Somaliland yeelato, maaddaama oo isaga markii labaad loo doortay Madaxweyne ku-xigeenka.

Muuse Biixi Cabdi oo Xilka kala wareegaya Madaxweyne Axmed-Siilaanyo oo Toddobadii Sannadood ee u dambeeyay Hoggaaminayey Qaranka, ayaa Xil-wareejinta Maalmo ka dib soo dhisaya Xukuumad si buuxda ula wareegta Waajibaadka Xukuumadda Xilkeedu dhammaaday Dalka iyo Dadka u hayso, si ay halkaa uga sii waddo.

Laakiin, maaddaama oo Shacabka Somaliland rejo ka qabaan in Xukuumadda soo socotaa wax ka qabato musuqmaasuqa ka dhex jiray Dawladda Xilkeedu dhammaaday, ayaa Badhasaabbada Gobollada Dalka lagu sameeyay baadhitaan, waxaana la diwaangeliyey Hantida guud ee ay Qaranka masuulka uga yihiin, si Muddada kala-guurka ah aanay qaarkood ugu kicin Falal Musuqmaasuq ah.

Warar Warbaahinta qaarkood qortay ayaa sheegay in baadhitaankan iyo Diwaangelinta Hantida badhasaabaddu Masuulka ka yihiin oo ay fulisay Wasaaradda Arrimaha guduhu uu ka soo baxay Madaxweynaha Muddo-xileedkiisu dhammaaday, si uu ugu yaraan u ilaaliyo Sumcadda Dawladda. Balse Shacabka Somaliland ayaa tan iyo markii la doortay Madaxweynaha cusub waxa ka soo yeedhaya oo ay ku talinayaan in Madaxweynaha cusub uu hanti-dhowr geliyo Wasiirrada Xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo inta aanay xilalka ku wareejin Wasiirrada cusub ee uu soo Magacaabi doono “Madaxweynaha cusub yaanu fursad siin Wasiirradii Hantida Ummadda ka taajiray, waxaan kula talinayaa in marka uu Xilka la wareego la baadho Wasiirrada hore.” ayaa ka mid ah talooyinka ay soo jeedinayaan Muwaadiniinta reer Somaliland ee la socda isbeddellada siyaasadeed ee Somaliland ka socda.

Talooyinka noocan ayaa waxa Dadweynaha ku dhiiri-geliyey Madaxweynaha Maanta xilka la wareegaya Md. Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo hadal uu u jeediyey Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE iyo Wasiirradii ka qayb-qaatay Ololihii Doorashada Madaxtooyada.

Muuse Biixi wuxuu sheegay in haddii la doonayo in Musuqmaasuqa wax laga qabto aanu waxba taraynin in Qof aan awood lahayn Musuqmaasuq lagu eedeeyo oo la qabto, haddii Masuuliyiinta Dawladdu gacmaha kula jiraan musuqmaasuq.

Muuse oo 25-kii November, 2017-ka si toos ah ula hadlayey Xubno ka mid ah Wasiirradii ka qayb-qaatay Ololihii Doorashada ee uu ku guulaystay isla-markaana hoga-tusaalaya sida Shacabku u dareensan yahay Musuqmaasuqa lagu tuhmayo Dawladda ayaa yidhi “Islaanta miyiga joogtaa waxay doonaysaa biyo, tacliin iyo caafimaad, laakiin dadka marka la yidhaahdo cashuurta bixiya waxay odhanayaan waa musuq oo waad cunaysaan ee maxaanu idiin siinaynaa dadka waxba u qaban maysaane.”

Madaxweyne Muuse oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inaan Musuqmaasuqa waxba laga qaban karin illaa Masuuliyiinta Dawladdu ka waantoobaan “Haddii inta Dawladda ugu  sareysaa iskula dhici weydo musuqa oo ay odhan weydo innagii baa wax wadna, ku yar oo la qabto oo keliya waxba tari maayo.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Maanta Xilka la wareegaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here