Ruushka Oo Bilaabay Inuu Ciidamadiisa Kala Baxo Suuriya

0
746

Ruushka ayaa billaabay in uu qaar ka mid ah ciidammadiisa kala baxo dalka Suuriya, sida uu Isniintii shaaciyay wasiirka arrimaha difaaca Sergei Shoigu.

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa amray in ciidammadu ay qayb ahaan u baxaan ka dib markii uu booqasho aan la sii shaacinin ku tagay Suuriya Isniintii.

Taageerada Ruushka ayaa muhiim u ahayd in ciidammada dawladda ee Suuriya oo uu hogaaminayo madaxweyne Bashaar Al Asad in ay ku gacan sarrayso dagaalkii sokeeye ee Suuriya.

Putin ayaa ka bixid noocaas oo kale ah ku dhawaaqay sannadkii hore laakiin milatariga Ruushka ayaa sii waday hawlgalladiisa.

Markii la waydiiyay wakhtiga ay ciidammada Ruushka ku qaadan doonto in ay wada baxaan, wuxuu ku jawaabay “waxay ku xidhnaan doontaa xaaladda” Suuriya.

Madaxweynaha Ruushka ayaa Bashaar kula kulmay Saldhigga Ruushka ee Hmeimim ee u dhaw Latakia.

Diyaaradaha dagaalka ee Ruushka ayaa duqaymo ka gaysanayay Suuriya tan iyo bishii Sabtembar ee sannadkii 2015kii

Putin ayaa yidhi: “Waxaan ku amray wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidammada qalabka sida in ay billaabaan in ay ciidamma ka saaraan Suuriya si ay u gaadhaan saldhigyadoodii rasmiga ahaa,” sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Russian RIA Novosti.

“Waxaan go’aan ku gaadhay in tiro muhiim ah oo ka mid ah ciidammada Ruushka ee ku sugan Suuriya in ay ku laabtaan dalkoodii Ruushka.” Ayuuna intaas ku sii daray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here