Wararka ka imaanaya degaan Xeebeedka Garacad oo ka tirsan degmada Jarriiban ee gobolka Mudug ee dhanka Puntland ,ayaa waxaa ay Sheegayaan in askar ka tirsan ciidanka Punland ay kufsi wadareed u geysteen gabdho da’yar oo degan degaankaasi sida ay sheegeen dadka ku dhaqan degaanka.
Waxaana wararku intaas ku darayaan in gabdhahan la kufsaday ay ahaayeen qaar Dhimirka ka jirran, Ciidamadan kufsi wadareedka geystay ayaa dhawaan la geeyay deegaan xeebeedka garacad kuwaasi oo loo geeyay inay ka hortagaan weerrada kaga iman kara maamulka Puntaland dagaallamayaasha Alshabaab.
Ilo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in la xidh xidhay ciidamadii kufsigaasi arxan darrada ah u gaystay Hablaha yar yar ee deegaan ka xeebta ee garacad ee gobolka Mudug.
Illaa iyo hadda ma jiro Masuuliyiin ka hadashay oo faah faahin ka bixisay Kufsi wadareedkaasi Ciidamada puntland ku kaceen.
Dhawaanahan waxa isa soo taraya Kufsiga ay gabdhaha yar yar u gaysanayaan Ciidamada Maamulka Puntland waxaana dhawaan uu askari ka tirsan Ciidamada Badda Puntland uu Xabbad Makaanka kaga Dhuftay Gabadh yar oo degganayd magaalada Boosaaso taasi oo uu isku dayay in uu kufsado.
Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxaa uu sheegay in maxkamad la soo taagi doono askarta ka tirsan puntland ee ku dhaqaaqa falalka la xidhiidha kufsiga arxan darrada ah.