Qaramada Midoobay Oo Si Wada Jira U Cambaaraysay Go’aankii Trump+Ergayga Qaramada Midoobay Ee Maraykanka Oo Si Cadho Leh Uga Hadashay.

0
629

Qaramada Midoobay oo si wada jira u cambaaraysay go’aankii Trump+Ergayga Qaramada Midoobay ee Maraykanka oo si cadho leh uga hadashay.

Intii lagu gudo jiray Shirkii deg degga ahaa ee Xubnaha Golaha Amaanka ee Qaramada midoobay ayaa lahaayeen ayaa waxa ay si wada jira ugu cambaareeyeen Go’aankii uu madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ugu aqoonsaday Magaalada Qudus inay tahay Caasimadda Israel, taasoo markiiba dhalisay isku dhacyo dhiig ku daatay oo ka dhacay dhulka Falastiin ee ay Israel haysato. Siddeed waddan ayaa isugu yimi shir kandeg degga ahaa oo ka dhacay Xarunta Qaramada midoobay ee Ney York maalintii Jimcaha, iyaga oo ay socdaan Muddaharaaddada ay Falastiiniyiintu ka dhigayaan Daanta galbeed, Qudus iyo Gacanka Qaza kaasi oo ay kaga soo hor jeedaan Go’aankii Maraykanku maalintii dorraad qaatay. Dhawr waddan ayaana ayaana Cambaareeyay Go’aanka sida kalida ah uu maraykanku ugu aqoonsaday magaalada Qudus inay tahay Caasimadda Yuhuudda Safaaradiisana uu u rari doono. Sidoo kale Ergayga Qaramada Midoobay u fadhida Maraykanka Nikki Haley ayaa ku eedaysay Qaramada midoobay in ay dhaawacayso rajooyinkii laga lahaa wadahadallada nabadda ee u dhexeeya Israel iyo Falastiin. waxaanay tidhi “Ururku waxa uu Cadaawado hore u hayaa Irael”. Miss Haley oo hadalkeeda sii wadata waxa ay tidhi ” Way iska caddahay in Qudus ay tahay Caasimadda Israel”. Rabshadaha ka bilaabmay Magaalada Qudus ayaa waxa maanta ku dhintay Wiil Falastiini kaasi oo ay toogteen ciidamada Israel ka dib markii ay isku dhaceen dad mudaharaadayay oo dhagaxaan tuurayay. Trump, ayaa waxa uu iska indho tiray digniinihii uga imanayay Bulashada caalamka kuwaasi oo si weyn ugu dhawaaqay in aanu u aqoonsan Qudus Caasimadda Yuhuudda. Falastiiniyiinta ayaa raba in Bariga magaalada barakaysan ee Qudus ay noqoto caasimadda Mustaqbal ee waddan Falastiiniyiintu leeyihiin, taasi oo imika ay yuhuuddu xoog ku haysato , oo aan lakala qaysankarin. Bulshada Caalamka ayaan waligeed u aqoonsan Israel inta ay ka haysato magaalda Qudus

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here