Dadweyne ku Taliyay in la Kala Diro Golaha Degaanka Burco

0
844

Qaar ka mid ah Dadweynaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ayaa madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ugu baaqay inuu kala diro Golaha degaanka ee magaaladaas oo ay ku eedeeyeen inay gabeen xilkii iyo adeegii bulshadu u dooratay isla markaana ay lunsadeen dhulka danta guud Burco. Telefishanka HCTV oo shalay marafoonka la dhex qaaday dadweynaha Burco, ayaa muujiyay in qaybo badan oo ka mid bulshada reer Burco ay quus ka taagan yihiin Golaha degaanka oo ay u arkaan inaanay wax la sheegi karo ku soo kordhin magaalada, waxaanay ku sifeeyeen gole intay ku tagri faleen ka badan tahay intii ay qabteen. Qaar ka mid ah dadweynihii TV-gu ray’igooda waydiiyay, waxay sheegeen in magaaladu ay la ciir-ciirayso xashiish, halka waddooyinka magaaladuna ay aad u liitaan. Dadkaasi waxay sheegeen in golaha degaanka Burco ay noqdeen kuwa ugu masuqa badan ee dhammeeyay dhulkii danta guud magaaladaas. Waxa kaloo ay intaas ku dareen inay ka xun yihiin waxqabad la’aanta golaha degaanka iyo khilaafkooda oo batay, sidaas awgeed waxay madaxweynaha la doortay u soo jeediyeen inuu kala diro 21ka xildhibaan ee golaha degaanka oo uu soo magacaabo maayar iyo maayar ku-xigeen magaalada u shaqeeya oo dawladdu la xisaabtanto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here