07 Dec (Qoryaalenews):- Shamis Abokor Ismacil oo ku magac dheer “Guduudo Carwo” oo ka mid ahayd hooyooyinkii fanka Soomaalida ayaa Saaka aroortii ku hore ku geeriyootay Magaalada Hargaysa.
Fannaanadda Ayaa Sannadihii u dambeeyay u jiiftay Xanuun haleelay kaasi oo dhinac qallajiyay waxaana ay fannaanaddu ku noolayd Magaalada Hargaysa ee Caasimadda Somaliland Dhawr iyo Tobankii Sano ee ugu dambeeyay, Guduudo Carwo ayaa ka mid ahayd Dumarkii ugu horreeyay ee masrax ka heesa Soomaalida dhexdeeda.
Alle ha u naxariistee Guduudo Carwo ayaa ka mid ahayd Fannaaniintii laf dhabarka u ahaa Hobolladii caanka ahaa ee Waaberi, waxaana ay Fanka ku soo biirtay Sannadkii 1954 tii waxaan ay ahayd Gabadhii ugu horraysay ee iyada oo meel fagaare ah ka heesaysa laga dhagaysto idaacad Soomaalida dhexdeeda.
Alle ha u naxariistee Guduudo Carwo ayaa dhimatay iyada oo 82 jir ah waxaana maanta Aas qaran loogu sameeyay Magaalada Hargaysa.
Xigasho; xornimonews