Madaxda Dunida Oo Ka Digay Khatar Ka Dhalan Karta Haddii Maraykanku Uu Qudus U Aqoonsado Caasimadda Israel

0
1188

Madaxweynaha Turkiga ayaa ka digay in dalkiisu uu xidhiidhka u jari doono Israa’iil haddii Mareykanku uu u aqoonsado Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil.

Madaxweynaha Maraykanka ayaa laga soo xigtay inuu sheegay inuu doonayo inuu Safaaradda Maraykanku ku leeyahay Israel ee ku taalla Talaabiib uu u raro Qudus, taasina ka dhigan tahay in Maraykanku Qudus u aqoonsado Caasimadda Dawladda Israel.

Laakiin,Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in tallaabdaasi ay Muslimiinta dunida uga dhigan tahay in Mareykanku uu khadka cas ka tallaabay

Dalal badan ayaa ka dalbaday Donald Trump inaanu qaadin tallaabadaasi. Waxaa jira warar sheegaya in Madaxweyne Trump uu arrintaas ku dhawaaqi doono Toddobaadkan, isaga oo fulinaya ballan-qaadkii uu sameeyay markii uu ku jiray ololaha doorashada.

“Mr Trump waxaad ogaataa in Qudus khad cas ay uga dhigan tahay Muslimiinta,” ayuu yidhi Erdogan oo khudbad ka jeediyay Telefiishanka Dalkiisa, waxaanu intaa ku daray “Waxay arrintaasi horseedi kartaa inaan cilaaqaadka diblumaasiyadeed u jarno Israa’iil”,

Haddii Washington ay u aqoonsato Qudus inay tahay caasimadda Israa’iil, waxay noqoneysaa dalkii ugu horreeyay ee sidaa sameeya tan iyo markii la aasaasay Dawladda  Israa’iil 1964-kii

Israa’iil ayaa haysatay bariga Qudus tan iyo markii uu dhacay dagaalkii Bariga Dhexe sannadkii 1967. Waxayna goosatay 1980-kii. Waxay u aragtaa in ay iyadu leedahay, laakiin shuruucda caalamiga ah waxay dhigayaan in ay tahay dhul la haysto. Israa’iil-na waxay Qudus u aragtaa in ay waligeed ahaan doonto caasimaddooda oo aan la kala qaybin karin.

Laakiin Falastiiniyiintu waxay u arkaan Bariga Qudus in ay tahay caasimadda dalka ay Mustaqbalka yagleeli doonaan.

Xukuumadihiii kala dambeeyay ee Maraykanka waxay tan iyo 1948 taagnaayeen in mustaqbalka Qudus lagu go’aamiyo wada-hadal.

Dunidu maxay ka tidhi arrintan?

Faranisiiska: Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa u sheegay Donald Trump inuu “ka walaacsan yahay“ in hoggaamiyaha Mareykanka uu iskii ugu aqoonsado Qudus inay tahy caasimadda Israa’iil, isagoo sheegay in taasi ay ku iman karto oo kali ah wada-hadal dhexmara dhinacyada Israa’iil iyo Falastiiniyiinta.

Midowga Yurub ayaa ka digay ‘cawaaqib daran iyo cadho ka timaado ra’yul caamka qeyba badan oo ka mid ah dunida.

Jaamacadda Carabta ayaa ku tilmaantay tallaabo khatar ah oo caawaaqib darran reebi karta.

Sacuudiga ayaa sheegay in tallabaadasi ay sameyn ku yeelan karto tubta nabadda.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabbaas ayaa hogaamiyayaasha dunida ka dalbaday inay arrintan soo farageliyaan isagoo sheegay inay tallabdaasi ay “ burburin karto hanaanka nabadda“

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan ayaa Maraykanka uga digay cawaaqib halis ah haddii uu Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here