Waa Kuma Masuulka Loo Badinayo In Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi U Magacaabo Guddoomiyaha Baanka Dhexe

0
901

Madaxweynaha cusub ee shacabka reer Somaliland doorteen Md Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu soo dhiso xukuumad cusub oo tayo leh iyadoo maalmihii u danbaysayna  wararka ay isla dhex marayeen warbaahintu ay u badnaayeen masuuliyiinta la filaayo in madaxweynaha cusub ee somaliland ku daro xukuumada cusub ee soo dhisaayo.

 

Madaxweynaha cusub ee la doortay Md Muuse Biixi Cabdi ayaa la filaayo in    loo dhaariyo kursiga madaxweynaha, iyada oo hada lagu gudo jiro qabaqaabada xafladdii xilka uu kala wareegaayey madaxweynaha wakhtigiisu sii dhamaanayo.

 

Balse sida warar xogogaal ahi ay ku soo gaadhay shabakadda waxaa madaxweynaha cusub ee Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi uu xilka guddomiyaha baanka dhexe ee Somaliland u magacaabayaa Aqoonyahan Cabdi Cali Daakir oo ka mid ah aqoonyahanada reer Somaliland ee ku nool dalka ingiriiska.

 

Aqoonyahan Cabdi Cali Daakirwaxaa uu bartay oo cilmiga dhaqaalaha ku diyaariyay labo master
waxa uu ku takhasusay cilmiga dhaqaalaha Abdi holds masters in finance, banking and regulation

 

Waa Siyaasi Wakhtigiisa Galiyaay Jecelna Hormarka Dalkiisa Iyo Inuu U Adeeggo Bulshadda Waa Haldoor Jecel Sinaanta Iyo Cadaaladda.

 

Waa Muwadin Markastaba Qadiyadda Iyo Qaranimadda Somaliland Ka Sheega Warbaahinta Somalida Iyo Kuwa Calaamkaba Wuxuu Ka Qayb Gallay Doodo Badan.wakhtigana ka shaqeeya baanka ugu weyn qaarada yurub ee BARCLAYS BANK ee dalka ingiriiska.

 

Waa Haldoor Aqoontiisa Iyo Waayo Aragnimaddiisaba Jecel Inuu Uga Faaideeyo Bulshaddiisa Somaliland, Wuxuu Waayo Aragnimo Durugsan u Leeyahay Kuna Soo Hawlgalay Odhodka Iyo Cashuuraha  iyo finance control ka.

Sidoo waxa uu leeyahay aqoon badan u leeyahay baananka dunida iyo ganacsiga, waana shaqsi aqoon dheeraada uu kula xidhiidho u leh Hay’adda Lacag ee IMF

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here