Malaayiin doolar oo si aan munaasab ahayn loogu adeegsaday aaskii Mandela

0
734

Baadhitaan ay samaysay hay’ada la dagaalanka musuqmaasuqa ee dalka Koonfur Afrika ayaa lagu ogaaday in ka badan 20 milyan oo doolar si xun loogu isticmalay intii lagu gudo jiray diyaarinta aaskii Nelson Mandela.

Hay’adda ayaa qeexday sida ay saraakiil ka tirsan dowladda ay lacago u xadeen islamarkana looga badbadiyay qiimaha ku baxay aaska Mandela.

Lacago loogu talagalay bulshada saboolka ah ayaa lagu iibiyay waxyaabo qiimahooda la kordhiyay sida funaanado qaali ah.

Warbixinta ay soo saartay hay’adda la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa ku talinaysa in la sameeyo baadhitaanno ku aadan musuqmaasuq.

Mandela ayaa xabsi ku qaatay 27 sano ka dib markii lagu eedeeyay in uu isku dayay in uu xilka ka tuuro dawladdii midabtakoorka
Mandela ayaa xabsi ku qaatay 27 sano ka dib markii lagu eedeeyay in uu isku dayay in uu xilka ka tuuro dawladdii midabtakoorka

Eedeymaha ku saabsan in lacagaha aaskii Mandela si xun loo adeegsaday ayaa markii ugu horreysay soo baxay sannadii 2014.

Nelson Mandela,oo ahaa madaxwaynihi ugu horreeyay ee madow ah dalka Koonfur Afrika ayaa geeriyooday 4 sano ka hor.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here