Murrashaxii Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan cirro ayaa la wariyey inuu dalka dibadiisa u an ba,baxay,socdaalka Murrashaxii WADDANI Cabdiraxmaan cirro ayaa sida ilo xogogaala oo dhaq-dhaqaaqiisa diiradda ku hayey sheegeen inuu salka ku hayo ka muquurashada fooladeynta iyo fantasiyaha Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabadi, waxaana lagu macneeyey in aanu niyad ahaan ogolayn in uu ka soo muuqdo xaflada dhaarinta iyo xilwareejinta Madaxweynaha la doortay ma cada in damaciisa uu qorshay inanu madaxa soo galin xaflada dhaarinta ay tahay mid uu ku sii adkaysan doono.
Murashixii madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), waxaana warar kala duwan ka soo baxayaan safarkiisa magaalada Nayrobi ee dalka Kenya.
Cabdiraxmaan-cirro oo tan iyo markii ay doorashada madaxtooyadu qabsoontay, laguna dhawaaqay inuu doorashada ku guulaystay murrashixii KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ku sugnaa Hargeysa ayaa doraad safar ugu baxay dalka Kenya. Safarka Cirro oo aanu xisbiga Waddani wax war ah ka soo saarin ayaa la sheegay inuu yahay mid shakhsi, waxaana weheliya qoyskiisa.
Cabdiraxmaan-Cirro ayaan saxaafadda la hadal, waxaana isagoo warbaahinta la hadlay ugu dambaysay habeenkii natiijada lagu dhawaaqay oo uu sheegay inuu danta guud ee qaranka darteed u aqbalay natiijada doorashada oo uu sheegay in madmadow badani ku jiray. Madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi iyo murashixii uu ka guulaystay Cabdiraxmaan-cirro ayaan yeelan kulan fool-ka-fool ah marka laga reebo xabaal dusheed oo ay salaam isla holadeen.
Lama oga in Cirro soo laaban doono oo uu ka qayb geli doono xafladda caleemo saarka madaxweynaha la doortay Muuse Biixi Cabdi oo qabsoomi doonta 13 December.